Maraykanka oo ka feejian weerar ay sheegeen in lagu qaadayo safaaradooda Kenya
BARTAMAHA – Cuutbyo katirsan ciidamada mareykanka ee sida qaaska ah utababaran ayaa loodaabulay safaarada mareykanku uu kuleeyahay magalada Nairobi ee dalkaasi Kenya kadib markii ay soo baxeen digniino muujinaya in Alshabaabka Somalia iyo kooxda Gacanka Arabta Ee Aqab ay doonayaan iney weeraro kuqaadaan muwaadiniinta reer galbeedka.
Daabulitaanka ciidamada mareykanka ayaa daba socota kadib markii qaraxyo ay dadi kudhinten ay kadhaceen dalkaasi Kenya qasatan magaalooyinka Mombasa iyo Nairobi.
Safiirka mareykanka ee dalka Kenya Robert F. Godec ayaa sheegay in mareykanku uu dareemay Qatar iney kasoo wajahantahay kooxaha argagixisada ah wuxuuna kubooriyay in muwaadiniinta mareykanka ee dalkaasi Kenya ay taxadar muujiyaan.
Safiirka ayaa sidoo kalle sheegay iney macquul tahay in mareykanku uu dhimo tirade shaqalaha safarada mareykanka ee Kenya ,hay’ada mareykanka ee hpormarinta caaamiga ee USAID ayaa sidoo kalle mr Robert wuxuu sheegay in xafiiskeeda loorari doono wadan kalle.
Safaarada mareykanka uu kuleeyahay magalada Nairobi ee dalkaasi Kenya ayaa digniino isdaba jog ah soo saareesay wixii kadambeeyay markii weerar argagixiso lagu qaaday sanadku markuu ahaa 1998 markaa oo ay weerarkaasi kudhinteen 200 oo qofood halka weerar kaas lamid ahna uu kadhacay safaarada mareykanka ee Magalada Darasalam ee dalkaasi Tanzania oo ay sheegteen Ururka Al-qaacida.
Comments
comments