Maraykanka oo ka digay Weeraro ay Al-shabaab kagaysato Dalka Uganda
War kasoo baxay wasaarada arrimaha dibada dalka Maraykanka ayaa lagaga digay weeraro argagixisnimo oo maagalada Kambala ay kagaystaan xogaga Al-shabaab ee xirirka laleh ururka Al-Qaacida.
Warkaan ayaa lagu sheegay in Maraykanku uu ka warhelay weeraro ay maleegayan xogaga Al-shabaab kaasi oo laga yaabo inay kagaystaan magaalada Kambala iyo deeganada kale ee loo dal xiis tago.
Afayeen uhadlay wasaarada arrimaha dibada ee dalkaasi ayaa muwadininta maraykanka ku wargeliyay inay Taxadar iyo feejignaan kasameeyaan weerarada laga filan karo Al-shabaab.
Maraykanka ayaa usoo jeediyay Xukuumada Uganda inay qaado tallaabo ay ku xaqiijiso amaanka dalkeeda, iyadoona sigaara loogu waregeliyay inay taxadar kasamaysayo goobaha loo dalxiis tago.
Dalka Uganada ayaa Ciidamada ugu badan waxay kajoogaan Soomaliya, kuwaasi oo qayb ka ah hawlgalka AMISOM ee dagaalka kula jira Al-shabaab, waxaana horay dalkaasi weeraro uga gaystay Ururka Al-shabaab.
www.Bartamaha.com
Comments
comments