Calendar

Maraykanka oo Cambaareeyay qaraxyadii Xalay ka dhacay Kampala.

ob3Bartamaha  (Nairobi):- Dowlada Maraykanka ayaa si aad ah u cambaaraysay qaraxyadii ka dhacay Magaalada Kampala ee dalkaasi Ugandha.

Madaxweyne Barack Xuseen Obama oo warfidiyeenada la hadlayay ayaa si kulul u cambaareeyay kooxihii xalay qarxiyay dadkii daawanayay Koobka Adduunka.

Barack ayaa sheegay in Dowladiisa ay ka xuntahay waxa dhacay islamarkaana ay gacan ka geysan doonto soo qabashada raggii sameeyay qaraxii xalay ka dhacay Magaalada Kampala.

Dhanka kale waxaa qaraxaasi Cambaaraysay Xog-hayaha arrimaha dibadda dalka Maraykanka Hillary Clonton oo sheegtay in falka dhacay uu ahaa xasuuq arxan laawayaal ay geysteen.

Hillary Clonton ayaa sheegtay in lagu soo wargaliyay Muwaadin Maraykan ah oo ka mid ahaa dadkii ku dhintay qaraxa sida safaarada Maraykanka ay shaacisay.

Dowlada Wadanka Maraykanka ayaa balan qaaday baaritaanka qaraxaasi iyo cidii ka danbaysay wallow dad badan ay farta ku godayaan Kooxda Shabaab ee dalka soomaaliya taasi oo hanjabaadyo u jeedisay Dowladaha ku lugta leh Arimaha Soomaaliya.

Xafiiska www.Bartamaha.Com

Nairobi –Kenya.

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: