Maraykanka iyo UN oo Ku Baaqay in la Kordhiyo Ciidamada Afrikanka ee Jooga Soomaaliya
Saraakiisha Qaramada Midoobay iyo kuwa dowlada Mareykanka ayaa si wadajir ah ugu baaqay in la kordhiyo tirada ciidamada Afrikanka ee jooga wadanka Soomaaliya isla markaana laga dhigo hawlgal hoostaga Qaramada Midoobay.
Taliyaha guud ee taliska Mareykanka ku leeyahay Afrika William Ward oo hadda booqasho ku jooga magaalada Kampala ee wadanka Uganda ayaa uga mahadceliyey dowlada Uganda doorkeeda ku aadan ciidamada ka jooga Soomaaliya ee ka qeybqaadanaya hawlgalka Amisom.
Gen Ward ayaa soo jeeduiyey in deg deg loo fuliyo baaqii Qaramada Midoobay ee ahaa in tirada ciidamada Amisom la gaarsiiyo 20,kun askari si ay isugu fidiyaan wadanka Soomaaliya oo dhan, Isagoo sheegay in Mareykanka uu taageerayo haddii ciidamadaasi tiradooda la gaarsiiyo 20-kun.
Sarkaalkaasi Mareykanka ayaa kulan la qaatay taliyaha ciidamada Uganda iyo saraakiil kale isagoo kala hadlay arimo ku aadan xaalada Soomaaliya.
Sidoo kale ayaa baaq dhowaan ka soo baxay xoghayaha guud ee QM waxaa lagu sheegay in loo baahan yahay in hawlgalka Amisom uu noqdo mid hoostaga Qaramada Midoobay, si hawlka loo balaariyo.
RBC Radio
Comments
comments