Calendar

Maraakiib iyo Diyaarado dagaal oo maanta Xanibay howlihii Dakada Weyn Ee Muqdisho.

maraakiibBartamaha (Muqdisho):- Dalada Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta gabi ahaan howlihii ka socday xanibaad ku sameeyay Diyaarado iyo Maraakiib Militari kuwaasi oo dhaqdhaqaaqyo ka waday Dakada Muqdisho.

Maraakiibtan oo ahaa laba markan oo nuuca dagaalka ah ayaa waxa ay saaka aroottii hore soo gaareen Xeebta dakada Muqdisho halkaasi oo ay ka bilaabeen dhaqdhaqaaqyo xoogan oo xag waliba ah.

Ciidamada Maraakiibtaasi saran ayaa waxa ay qaarkood ku soo dageen doonyaha dheereeya iyagoo la sheegay in ay soo gaareen Xeebaha Magaalada Muqdisho.

Biyaaradaha Helcoptareska ayaa waxa ay bilaabeen ay jawwi hoose ku dul maraan Dakada Magaalada Muqdisho iyadoo la sheegay in ay sawira ka qaadanayeen dakadaasi iyo deegaanada ku dhowdhow intaba.

Dhammaan howshii dakada Muqdisho ka socotay ayaa istaagtay iyadoo Ciidamada Amisom iyo kuwa dowlada ay shaqaalaha dakada ku amreen in ay bannaanka ka istaagaan dakada islamarkaana aanay jirin wax shaqa ah oo xiligaasi ka socanayay gudaha Marsada Muqdisho.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: