Calendar

Maqaal: Muslim Baan Ahay Misena Diiddan Shareecada!

islamWaayadan dambe waxaa soo if baxay dad ayaga isku sheego aqoon yahanno, isla markaana ku jira jahawareer diimeed iyo maskaxeedba. Arrintaas oo ay ugu wacan tahay wacyiga ka jira bulshaweynta reer galbeedka oo ay cilmaaniyiinta si lixaad leh weerar ugu hayaan dadka diimahooda ku dhaggan.

Dadaalkaasoo eey ku doonayaan inay uga takhalusaan wax diin layiraahdo iney hanaqaado amase ka qayb qaadato arrimaha bulshada, siyaasadda iyo dhaqaalahaba. Arrintaas waxey dhalisay iney faylasuufiyiin iyo waxgarad fara badan oo reer Yurub ah ay ayaga markaas isaga cararahaan diimahii lagu soo abaabiyay eyna ka qeybqaataan olalaha kala saaritaanka diimaha iyo siyaasadda. Arrintaas oo ay gunteeda ugu wacan tahay taariikhda reer yurub oo diinta masiixiyiinta ay usoo jiidday dibu dhac bulsho iyo hoos u dhac aqoon iyo mid dhaqaaleba kaddib markii ay la jaanqaadi waysay nolosha casriga ah. Ugu dambeyntiina dhibaatadaas looga baxay waxa loogu yeero xilligii iftiinka (Qarniyadii 17aad iyo 18aad) kaddib markii diinta masiixada laga saaray arrimaha siyaasadda gabi ahaanba .

Balse marka la bar bar dhigo dunida Muslimka ah, sida ku cad taariikhda aad ayey uga duwantahay Yurub. Maxaa yeelay xiligii khilaafada Islaamka waxaa soo maray casri dahabi ah inta u dhaxeeysay 660 ilaa 1650 taariikhda miilaadiyada. Xiligaasoo ay Culimada Islaamka, Saaynis yahannada, Ingineerrada iyo xisaabyannadaba ay aalado fara badan soo iqtiraaxeen ku waaso wax weyn ka baddalay hab nololeedka ilaa hadda ka jira dunida. Arrintaasu waxey u timid maadaama uusan Islaamku ahayn wax iska quraafaad ah oo layska aaminsayahay, amase falsafad iska maqaarsaar ah, balse uu yahay wax cad oo la taaban karo. Sidoo kale uu yahay habdhis isku jaan go’an oo uu dhan yahay dhaqaalihiisa, qawaaniintiisa, iyo arrimahiisa bulshada. Kuwaasoo haddii si sax ah loo taabbo galiyo u horseedi kara aadanaha nolol cadaalad iyo barwaaaqo ku dhisan. Balse isla arrintaas ayada ah waxaa si aad ah uga soo horjeedo oo waliba shaki wayn ka qaba dadka ayaga isku sheego cilmaaniyiinta.

Haddaba shakigoodaas kama uusan imaanin dhanka Islaamka amase xitaa maahan waxey cilmaaniyiinta maskaxdooda kasoo allifteen, balse waa arrin qoto dheer oo misena salka ku hayso taarikhihii hore ee reer Yurub. Xilligaasoo afka qalaad loogu yeero “Dark ages” mugdi amase gudcur hadba saad u taqaanno. Xilligaas waxaa dagaallo diimeed oo lagu hoobtay iyo khuraafaad aad u weyn u ku baahay Yurubta galbeed. Marka cilmaaniaydda asalkeeda wuxuu ahaa in laga soo horjeesto xaqiiqadaas meesha ka oogneyd.

Balse marka la eego diinta Islaamka waa ay ka duwan tahay qaabkaas. Maxaa yeelay ilaa kal hore, waligeed siyaasada iyo diinta lama kala saari jirin. Qofkii Islaamka micnahiisa saxda ah dhuuxana wuu ka dheehan karaa arrintaan xaqiiqnimadeeda. Sidoo kale isku dhafnaanshaha diinta iyo siyaasadda ka sokow xitaa ruuxa Muslimka ah wuu ku qasban yahay inuusan kala soocin labadaan waxyaalood. Tusaale ahaan, sida ku Qur’aanka Kariimka ah ku cad, ruuxa Muslimka ah waa inuu wada aqbalaa wixii kusoo arooray diinta. Allaah maadaama uu asiga Qur’anka iyo kutubta kale oo samaawiga ahba uu soo dajiyay, isla markaana uu abuuray koonka oo idil, asiga ayaa garanaayo waxa u roon aadanaha.

Sida ku xusan suuradda Maa’idah Aayadda 44aad Allaah wuxuu ku yiri “ Dadka haka cabsanina ee aniga uun iga cabsada, hana ku badalanina aayadaheyga qeymo aad u yar, ogadaana qofkii wax ku xukmiyaa wuxuusan Eebbe soo dajinin wuxuu ka mid yahay ku gaaloobay” Sidoo kale Allah wuxuu kula dardaarmay Rasuulkiisa Muxammad (NNKH) aayadda 48aad isla Suuratul Maa’iddah “Waxaa kula soo dirnay Muxamadoow, kitaabka Qur’aanka ah oo run sheegayo, ansixinayana kutubtii isaga ka horraysay, marka dadka ku kala xukmi wixii uu Allaah soo dajiyay”

Sidaas awgeed sida kusoo aroortay sunnada Islaamka iyo wixii ka sugnaaday dadkii hore oo Muslimka ahaa, in laga hor yimaado qeyb ka mid ah qur’aanka waxey keeneysaa diin kabaxyo dag dag ah. Taasoo ay waliba sii dheertahay jahwareerka ku imaanaayo qofkii isku dayo inuu qeybna qaato Islaamka qeybna kasoo horjeesto, arrintaasoo aanan marnaba suuro gali Karin. Balse sida aan dhawaanahanba aragnay, dad ayaga markaas isku tilmaamo inayba Muslimiin yihiin oo aananba garaneynin macnaha diintooda, amase kuwo ula jeeddooyin qallafsan wata ayaa isku dayo iney bad baddalaan aasaaska diinta islaamka, ayagoo raba iney ku fushadaan danahooda gaarka ah. Balse maadaama aysan Islaamnimada aysan ahayn wax loo dhasho amase leyska dhaxlo, waxaa muhiim ah in qofka sheeganayo diintaan uu fahmo macnaheeda dhabta ah.

Haddaba ciddii aay xoogaa wacaaf uga jirto, macnaha Islaamnimada wuxuu ku saleysan yahay is dhiibitaan rasmi ah oo laysku dhiibo Allaah waliba qaabka kusoo arooray Qur’aanka iyo sunnada nabiga (NNKH). Waa inuu qofka aqbalaa Islaamnimada ineyn tahay qaabka ugu wanaagsan oo uu aadanaha u noolaan karo si kasto uu casriga isku baddalo. Qaabkaasoo aanan u baahnayn in la bad badalo amase uu bani aadam wax jeebkiisa uga darsado.  Meeshaasna waxaa ka baxaayo cilmaaniyadda iyo wixii soo raaco.

Balse dadka ayaga cilmaaniyiinta ah kama daalaan iney marin habaabiyaan Muslimiinta iska aqoon gaaban amase kuwa imaankooda uu daciifka yahay. Waxey dacaayad raqiis ah oo meelo kale laga soo minguuriyay ku furaan dadka ayagoo ku andacooda in Islaamka uu u baahanyahay casriyeyn si uu ula jaanqaado dunida horay u martay.  Weerarrada noocaan ah waxey ka yimaadaan dhinacyo fara badan gaar ahaan dadka ay ka mid yihiin Ayaan Xirsi, oo ayada diinteeda isaga tagtay kal hore, iyo sidoo kale kuwo kale oo ayaga markaas wali Islaamnimo sheegto sida Irshaad Manji, isla mar ahaantaana kasoo horjeedo waxyaabo fara badan oo ay diinta Islaamka farayso.

Haddaba Islaamka maahan wax gor gortan la galin karo. Ruuxa waa inuu sidiisa u aqbalaa amase iskaga tagaa. Meel dhexe diimaha dhan ha iskula kulmeen maahan sheekada. Sida Qur’aanka ku cad Suuradda Al-Kaafiruun “ Ku dheh gaalada, ma caabudayo waxaad caabudaan, adinkana ma caabudeeysaan waxaan caabudo aniga” Ilaa ugu dambeyntii laga gaaro hadalka Allaah “Adinkana diintiina ayaad leedihiin, anigana diinteyda ayaan leeyahay” Marka sida aad u jeeddo meel ay iskugu imaan karaan diimaha oo dhan ma jirto. Waxaase xusid mudan in dad kale oo ayaga ku caanbaxay in diimaha leysku dhax darsado sida Oprah Winfrey ay daawadayaashooda ka dhaadhiciyaan in ay diimaha oo dhan isku mid yihiin oo qof walba wixii asiga la saxsan eey ku badbaadi karo. Arrintaasoo lid ku ah Islaamka, basle taas macnaheeda maahan in dadka Muslimiinta ah aysan u dulqaadan Karin dadkaa haaysta caqoodooyinka kale.

Sida ku cad taariikhda Islaamka Nabiga (NNKH) adeerkiis Abu Daalib muusan qaadanin diinta Islaamka cid ku qasabtayna maysan jirin inkastoo uu nabi Muxammad uu aad u jeclaa inuu ashahaadka xitaa uu qiro. Balse hadalka nuxurkiisa waxaa waaye in qofka Muslimka ah uusan kala dooranin wixii kusoo arooray Islaamka, balse uu si guud ahaaneed u qaato Allaahna tala saarto.

Haddaba su’aasha mudan in lays weydiiyo waxaa weeyaan maxaa ka mid ah waxyaabaha qasabka ah in isku duubni loo qooto? Waa wax badan oo aanan halkaan lagu soo koobi Karin, balse waxaa ka mid ah waxyaaabo qof kasto uu si sahlan ku aqbali karo sida: U naxariisahada agoonta, waalidka iyo dadka dhibaateysan. Balse waxaa intaas sii dheer ciqaabyo adag uu loogu talo galay dambiileyaasha sida tuugada oo gacmaha laga jaro, amase dadka zineysto ooarbaaho amase dhagax lagu rajmiyo. Haddii aadan Muslim ahayn oo aadna garaneyn xigmadda ka dambeyso arrimahaan, waxaadba lahaan karta waxoogaa gar ah. Balse Haddii adigoo Muslim ah aad misena kasoo horjeeddid sharci ahaanta xuduudyada caynkaan ah, waxaa habboon inaad caqiidadaada dib ugu noqotaa oo aad diinta Islaamka soo darastaa.

Ugu dambeyntii , Allaah maku amro makhluuqaadkiisa wax aysan ayaga dan ugu jirin. Sidaas awgeed cuquubaadka noocaan ah waxey ka hortagaan fowdada iyo fitnada. Sidoo kale waxey abuuraan jawi u wanaagsan dadka guud ahaan. Arrinta labaad maadaama uu rasuulkeenna (NNKH) oo ah raxmadda loogu tala galay koonka, uu haddana fuliyay xuduudka noocaan ah, sidaas awgeed sida ku cad Suuratul Axzaab Aayadda 36aad, qofka Muslimka ah uma bannaana inuu kahoryimaado amar Allaah iyo Rasuulkiisa (NNKH) eey soo gooyeen.

Wabillaahi Toowfiiq

By Ismaaciil Jirde Rooti

E-mail:

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: