Maleeshiyaad bililiqeystay Idaacado ku yaalay Muqdisho.
Bartamaha (Muqdisho):- Maleeshiyaadka Alshabaab iyo Xizbul Islaam ayaa bililiqo aan geed loogu soo ganban Xalay iyo Saaka u kala gaystay Idaacadaha Horn Afric iyo GBC Ee Magaalada Muqdisho.
Maleeshiyada shabaabka oo shalay handaad u gaystay qaar ka mida Howl-wadeenada Idaacada Horn Afric ayaa waxaa xalay ay soo weerareen Idaacadaasi iyagoo burburin kula dhaqaaqay TV-ga idaacada iyo qalabkii Kadyka ahaa.
Qalabka ay sida tooska ah u burburiyeen ayaa waxaa ka mida qalabkii Cajaladaha TV-ga iyo dhammaan cajaladihii ii dhehda iyo kuwii kale ee idaacada ay sida gaarka ah u lahayd oo dhammaan ka dhignaa tirtirida kaydkii idaacadaasi.
Muddo ka dib burburinta ayaa waxaa maleeshiyada shabaabka oo ay kala wateen Xasan Xanafi oo ahaa sargaal shabaab ah iyo Yoonis oo ah madaxa Iclaamka shabaab oo ay sii wada socdeen wariyayaal badan oo shabaab noqday ayaa dhammaan qalabkii idaacadaasi gawaari ku qaatay.
Maleeshiyaadkaasi ayaanan cidna ka waraysan Idaacadaasi qabsashadeeda iyo bililiqada ay qalabkeeda u gaysteen waxaana ay la aadeen xarunta Idaacada ay hadda bililiqada ku haystaan ee IQK Muqdisho.
Dhanka kale koox ilaala u ahayd Xasan Daahir aweys Hogaamiyaha Xizbul Islaam ayaa saaka gashay Idaacada Codka Nabada oo loo yaqaano GBC taasi oo ku taalay Degmada Heliwaa halkaasi oo qalabkii dhamaa ay la wareegeen.
Maleeshiyada bililiqeysatay Idaacada GBC ayaa waxa ay ahaayeen dablay hubaysan waxaana ay jirdil kula dhaqaaqeen nin Ilaala ka ahaa idaacada oo ay amreen in uu furayaasha ku wareejiyo wallow markii danbe ay awood u sheegteen.
Idaacadaasi ayaa laga yaabaa in ay afka Xuizbiga ku hadasho waxaana laga qaatay qalabkii caadiga ahaa sida Cajaladaha oo kaliya iyadoo sideeda kale ay Xizbiga dhex dageen dhismahaasi Idaacada GBC.
Wixii faahfaahin dheeraad ah iyo sirta iyo sababta bililiqadan baaritaan ka dib www.Bartamaha.Com ayaad kala socon kartaa insha allaah.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.
Comments
comments