Maleeshiyaad Xalay Alshabaab kala wareegay Deegaanka Ceel Baraf Ee Gobolka Sh/Dhexe.
Bartamaha(Ceel-Baraf):-Maleeshiyo horay ugu m id ahayd Maxkamadihii Islaamiga ayaa Xalay dagaal kula wareegay Deegaanka Ceel Bara fee Gobolka Sh.Dhexe.
Dagaal muddo kooban socanayay ayaa Xalay ka dhacay Degmada Ceel Baraf oo ka mida Gobolka Sh.Dhexe halkaasi oo ay ku xooganaayeen Alshabaab.
Maleeshiyada oo abaabul xoogan lahayd ayaa la wareegtay Deegaanka iyagoo qaatay hub iyo hanti ay isaga carareen Cidiamada Alshabaab oo si gaadma ah weerar ula kulmay.
Dagaalka ayaa socanayay muddo saacad ku dhow waxaana halkaasi ka dhacay qasaara aan sidaa u buurnayn oo kala gaaray labada koox ee dagaalantay.
Saaka aroortii hore ayay Deegaanka isaga bexeen Maleeshiyaadkii Xalay qabsaday Deegaanka Ceel Baraf taasi oo u muuqatay in dagaalka uu ahaa ku dhufo oo ka dhaqaan.
Habeen ka hor ayay ahayd markii dagaal qaraar uu ka dhacayay Deegaanka Raaga Ceele halkaasi oo ay soo weerareen Ciidamada AHlu Sunnah Wal Jamaaca.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments