Malaayiin Mareykanka Ayaa Aaminsan Inuu Obama Muslim yahay
Bartamaha (Washington)- Muranka ka dhashay masaajid laga dhisayo meel u dhaw halka lagu magacaabo Groud Zero oo ah goobihii la weeraray 9/11 2001 ayaa dhaliyay iney sare u kacdo mucaaradada madaxweyne Obama iyadoo afhayeenka Congreska mareykankan ay go’aankaasi ku tilmaantay mid ay leedahay dawladda hoose ee magaalada Newyork.
Cod uruurin dhawaantan la sameeyay ayaa lagu ogaadau in shantii muwaadin ee mareykanka ah uu mid kamida uu si khaldan u aaminsan yahay in madaxweyne obama uu muslim yahay sida maanta lagu qoray  wargeyska maalinlaha ah ee kasoo baxa dalka mareykanka oo lagu magacaabo The Washington Post.
Inkstoo madaxweyne obama uu inta badan xaadiro kaniisadaha, isla markaana uu marar farabadan ku celceliyay diinta uu aamin sanayahay ayaa haddana waxaa muuqda inuu sare u kac ku imaanaya shakhsiyaadka mareykanka ah ee rumeysan in obama uu aamiin san yahay diinta islaamka, sida lagu ogaaday daraasaad ay dhawaantan sameysay xarunta cilmi barista ee Pew Research Centre.
Muranka Masaajidka.
Si kastaba ha ahaatee shakhsiyaadka mareykanka ah ee aaminsan inuu obama haysto diinta masiixiga ayaa waxay hoos u dhaceen marka la fiiriyo tiradii ay ahaayeen sanadkii hore, iyadoo 34% ayaa haatan arintaasi aaminsan yihiin.
Wargeysku waxa uu ku warbixiyay in siyaasiyiinta jamhuuriga ah sadex meelood meel ay aaminsan yihiin in obama uu haysto diinta islaamka, taasina waxay laba jibaar ku noqonaysaa tirade sanadkii hore aaminsanayd fikradaasi.
Tirada shakhsiyaadka sida madaxbanaan u aaminsan oo aanan ka tirsanayn taagerayaasha xisbiga jamhuuriag ayaa sare u kacday 18%, sida lagu cadeeyay wargeyska Washington post.
Cod bixintan ayaa la qaaday ka hor intaanu madaxweyne obama ka hadlin dhismaha masaajidka iyo xarun muslimiinta mareyaknku ay ka dhisanayaan meel wax yar uun u jirta daarihii mataanaha ahaa ee 2001, ay burburiyeendagaal yanahadii kooxda alqaacidda.
Madaxweynaha ayaa jimacadii aynu soo dhaafanay sheegay mar uu ka hadlayay munaasabd sanadle ah oo lagu qabto aqlka cad ee mareykanka oo lagu afuriyo marti sharaf kala duwan oo muslimiin ah.
Madaxweynaha waxa uu kullankaasi ka sheegay in sharciyada mareykanka u degsan ay dhawrayaan xoriyadda dhinaca diimaha loona baahan yahay in muslimiintu ay xoriyad u helaan goobaha ay ku cibaadaystaan si lamid ah dadyowga heysa diimaha kale eek u dhaqan dalkaasi.
Dadkan mareykanka ah ee aaminsan inuu Obama muslimka yahay ayaa waxay 60% sheegeen iney arintaasi ku ogaadeen dhinaca warbaahinta.
Saraakiil u hadashay aqalka cad ee mareykanka ayaa Washington post u sheegay inuu fikrada ah in obama uu haysto diinta islaamka ay tahay mid khaldan isla markaana lagu xasuusta arimahan oo kale dadkii Obama kula tartamay madaxtinimada mareykanka oo ololihii doorashooyinkii 2008 dalkaasi ka dhacay ay ku eedeyn jireen in obama uu aamin san yahay diinta islaamka.
Dhinaca kalana waxaa arintan muranka badan dhalisay ee dhismaha masaajidka lagu wado in laga dhiso Groud zero ka hadashay Nancy Pelosi oo ah afhaayeenka koongareeska mareyakanka, iyadoo shaacisay in hadii laga dhisayo masaajid xarumihii 9/11 la qarxiyay ay ahayd go;aan iska local decision ah.
Xoriyada diinta waa sharci dastuuriya, halka dhismaha goob lagu cibaadaystana ay tahay go’aan ay leedahay dawladda hoose ee ka arimisa goobta masjidkaasi laga dhisayo.
Ugu dambeyntiina ra’ayi aruurintaan ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo qaar badan oo kamida siyaasiyiinta mareykanku ay si cad uga soo horjeesteen dhismaha masjidkaasi, waxaana kamid ahaa siyaasiyiinta sida cad uga soo horjeestay Sarah Palin oo ahayd mashrixii madaxweyne ku xigeenima ugu tartamay xisbiga Jamhuuriga ee uu madaxweyne obama kasoo guulaystay.
Cabdiqafaar Shire.
Chief Editor.
Bartamaha, Somali Breaking News and Video Community.
Comments
comments