Mahiga oo Xalay Hargaysa seexday.
Bartamaha (Hargaysa):- Ugustine Mahiga u qaybsanaha arimaha Soomaaliya ee Qaramada Midoobe ayaa xalay ku hoyday Magaalada Hargaysa Ee Xarunta Maamulka Somaliland.
Dr.Ugustine Mahiga oo shalay gabal dhicii ka soo duulay Magaalada Garoowe oo uu kula soo shiray Madaxda Puntland ayaa xalay jiifsaday Magaalada Hargaysa Ee Xarunta Somaliland.
Masuulkan ayaa waxaa garoonka Hargaysa ku soo dhaweeyay Madaxweyne Siilaanyo iyo masuuliyiin sare oo ka mida Maamulka Somaliland oo u galbiyay Mahiga gudaha casimada Hargaysa.
Ugustine Mahiga ayaa waxa uu xalay ku sugnaa Hotelka Mansoor ee Magaalaa Hargaysa waxaana uu saaka halkaasi kulan kula qaatay Madaxda Maamulka Somaliland.
Masuulkan ayaa u cadeeyay Maamulka Somaliland in ay gacan ka gaysan doonto Qaramada Midoobe caawinta nabada iyo daganaanshada ka jirta Deegaanada Somaliland oo haatan ah maamul iskiis u taagan.
Madaxweyne Siilaanyo iyo Ugustine Mahiga ayaa saacada badan maanta shir ku lahaa gudaha Hotelka waxaana masuulka Qaramada Midoobe ka socday uu booqasho ku gaaray Xarunta Madaxtooyada ee maamulkaasi.
Mahiga ayaa jiifkiisii Xalay ee Hargaysa waxa uu ahaa markii ugu horeysay oo uu seexday dalka Soomaaliya waxaana ay noqonaysaa mid hormarka maamulka Somaliland tilmaamaysa maadaama masuulkaasi uu amniga Hargaysa isku haleeyay.
Dhanka kale Mahiga ayaa shalay galab la soo shiray Madaxda Dowlada Goboleedka Soomaaliyeed Ee Puntland oo uu kala shiray qaabkii nabada iyo xasiloonida uu ugala qeybgali koonfurta Soomaaliya oo ammaan daro ba’an ka tagantahay.
Socdaalka Mahiga ayaa waxaa la soo sheegaya in uu ku soo afmeermayo Hargaysa isagoo dib ugu soo laabanaya Magaalada Nairobi oo ay Qaramada Midoobe xafiiska Soomaaliya qaabilsan ay xilli hore ku yeelatay.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.
Comments
comments