Magaalada London oo lagu qabtey qorituurkii koobka Somaliweek 2010 (SAWIRO)
Magaalada London oo lagu qabtey qorituurkii koobka Somaliweek 2010
London waxaa xaafada Wembley hall ku yaal lagu qabtey habeenimadii Sabtida taariikhduna ahayd 29/05/2010 xaflada qorituurka koobka Somaliweek 2010, xafladaas oo ay ka soo qayb galeen qaar ka tirsan bahwaynta isboortiga Soomaalida ku dhaqan xaafada Galbeedka magaalada London.
[slidepress gallery='magaalada-london-oo-lagu-qabtey-qorituurkii-koobka-somaliweek-2010']
Qorituurka waxaa loo sameeyay 16 kooxood, kuwasoo kale ahaa sidatan islamarkaana loo qaybiyay 4 qaybood, kuwaasoo aaqirka bisha Luulyo 23 keeda lagu wado in magaalada London si rasmi ah uu uga furmo koobkii Somaliweek 2010 hadii Eebe idmo.
A |
B |
C |
D |
Harrow Stars | West 12 | London stars | Hilltop |
Manchester Somali Stars | Leicester Stars | Cardiff  Warrior | Northampton Stars |
Sugar FC  C | United stars | Jubba  FC | Junior All Stars |
Sweden stars | Canada Stars | Nabadda FC | Olympic( Denmark ) |
Friday 23/07/10 |
Saturday 24/07/10 |
Sunday 25/07/10 |
Monday 26/07/10 |
Opening Ceremony | Sugar FC Â Vs Sweden | United stars Vs Canada | Jubba FC Vs Nabada FC |
|
West 12 Vs Leicester | London stars Vs Cardiff | Hilltop Vs Northampton |
Harrow  VS Manchester |
|
|
Junior stars Vs Denmark |
Tuesday 27/07/10 |
Wednesday 28/7/10 |
Thursday 29/07/10 |
Friday 30/07/10 |
Sweden Vs Harrow | Leicester Vs United stars | Denmark Vs Hilltop | Harrow Vs Sugar FC |
Sugar FC Vs Manchester | Nabada Vs  London stars | Northampton Vs J.Stars | West 12 Vs United stars |
Canada Vs West 12 | Cardiff   Vs  Jubba FC | Manchester Vs Sweden | Canada Vs   Leicester |
Saturday 31/07/10 |
Sunday 01/08/10 |
London Stars Vs  Jubba FC | Hilltop Vs Northampton |
Cardiff Warrior  Vs  Nabadda FC | Northampton Stars Vc Olympic( Denmark ) |
Quarter final
Monday 02/08/10 |
Tuesday 03/08/10 |
Winner AÂ Vs Runner up B |
Winner CÂ Â Vs Runner up D |
Winner BÂ Â Vs Runner up A |
Winner D Vs Runner up C |
Semi final
Thursday 05/08/10 |
Winner A Or  Runner up B                      Vs    Winner C Or  Runner up D |
Winner B Or   Runner up A                        Vs      Winner D Or  Runner up C
|
Waxaa lagu casumay inay qorituurka tuuraan ciyaartooydii hore ee dalka Soomaaliya sida Safiyo Neero,Miski Omar,Xaawo Taako, Bakiin Maaxi,Baaba Jay,Xuseen Abati, C/nuur,Cabdulaahi Muxyadiin iyo caruur Soomaaliyeed oo iyagana ka qayb ka ahaa qorituurka
Dad badan ayaa ka soo qayb galay munaasabada qorituurka Somaliweek,kuwasoo hadalo u badnaa taageero iyo amaanba leh ka jeediyay, waxayna kale ahaayeen dadkii faraha badnaa ee ka hadlay:
Odayaasha Isboortiga magaalada London Danjire Mohamed Ahmed Caalin, Ahmed Abdi Dahir ‘’Shell’’, Aden Hersi Jaango’an ‘’Adaamo, C/qaadir Shire’’Kasmo’’, Dr C/raxmaan Cunaaye,Ahmed nuur Seyga Ruushka, , C/qaadir ciise Biyooley,Shiine Guhaad,Muriidi Zein,Osman Shiis,C/qani Jeenyo (President of new Generation Sports and Culture) Abuukar Aden ‘’Boos Caato’’ (gudoomiyaha ururka heerka koowaad ee Sweden),Muqtaar Shuute,Digeeye,Shukri Dhalbaas,Rashiid Jama,Hassan Shiino,Dahir Ciise, Abshir iyo gabar ka socotey London 2010, halka ururka Somaliweek-na ay u hadleen Mohamed Buuwe, Xuseen deeq, Mohamed ali,waxaana barnaamijka xiriirinayay Elmi Waabari.
Fanaanada Soomaaliyeed Maryan Cali Muuday oo ka tirsanaan jirtey Wasaarada Waxbarashada iyo Kooxda Iftin ayaa goobta ka qaaday labo heesood oo aad u qiiro galiyay dadkii ka soo qayb galay xaflada qorituurka iyo fanaanka da’yar ee magaalada London Fu’aad oo isna hees wadani ah oo cusub ka jeediyay goobta halka muuskitiistaha Qaranka Mohamed Macalow oo isna muusiga tumayay iyadoo uu goob jooge ka ahaa Xuseen Bisad oo ah wiil Soomaaliyeed oo ka mid ah dadka ugu dhaadheer dunida iyo dad badan oo aanan halkaan ku soo koobi Karin ayaa ka mid ahaa dadkii ka soo qayb galay
W/Q:YUSUF YUSUF
Sports editor of sspamedia
London
Comments
comments