Magaalada Garowe oo maanta lagu ansixiyay Dastuurka Cusub ee Puntland.
kadib Xiritaankii shirkaan caalamiga aha ee lagu ansixinayey Dastuurka Puntland Masuuliyinta ugu saraysa Puntland oo uu ka mid yahay Madaxwaynaha Puntland Ra’iisul Wasaare ku xigeenka DKMG ahna wasiirka Ganacsiga iyo warshaddaha C/wahaab Ugaas Xuseen Ambasadooro ka socday Midowga Yurub wakiilo ka socday Qaramada Midoobay Ha’yaddo Caalami ah iyo Marti sharaf kale oo lagu casuumay.
Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka kumeel gaarka ah ee Puntland Maxamed Xasan Barre ayaa codayntii kadib ku dhawaaqay natiijada Ansixinta Dastuurka iyadoo gobal gobal ay ugu ansixinayeen habka HAA iyo MAYA.
Madaxwaynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo isna ka hadlay ayaa sheegay in Puntland maanta ka guurtay habkii qabaa’ilka una guurtay asxaabta badan markii ugu horaysay ergadii ansixinaysana uga mahad celiyay .
Ra’iisul wasaare ku xigeenka DKM Soomaliya ahna wasiirka ganacsi warshadaha C/wahaab Ugaas Xuseen oo ka mid ahaa Masuliyintii lagu casuumay ansixinta Dastuurka Puntland ayaa ku tilmamay guul u soo hooyatay Puntland islamarkaana tilmaamay in ay hayaan Dhabihii Dimuqraadiyada .
Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay Saraakiil ka socday Midowga Yurub Ambasadoora Ha’yaddo Caalami ah isimo oo dhamaantoodba qiray in Puntland ayka baxday habkii qabaa’ilka oo uu socday geedi socodkii Dimuqraadiyada.
Dastuurkan Cusub ee maanta la ansixiyay ayaa waxaa wali u harsan dhowr mar xaladood oo uu sii marayo midka koowaad oo ah Maxkamadda Sare oo aqbasha barlamaanka Puntland oo isna laga doonayo in uu ansixiyo.
xafiiska wararka bartamaha muqdisho
Comments
comments