Magaalada Gaalkacyo oo laga sameeyay hawlgallo ballaaran oo lagu soo qabqabtay dad badan
Kadib Howl Gallo Xoogan oo Ciidamada Maamulka Puntland ay ka sameeyeen Xaafadaha Israac, Garsoor iyo Siinaay oo intuba ka tirsan Xaafadaha Waqooyi ee Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxa ay ku sheegeen in ay gacanta ku soo dhigeen dad ay ku eedeeyeen in ay ka tirsan yihiin Kooxda Al Shabaab , islamarkaana doonayay in ay falal Ammaanka liddi ku ah ay ka geystaan deegaanada Maamulka Puntland.
Kooxahani la soo qabtay ayaa la sheegay in tiro ahaan ay gaarayaan illaa 150 qof oo Maamulka Puntland ay sheegeen in ay ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab.
Masuul ka tirsan Maamulka Gobolka Mudug ee Puntland oo la hadlay Warbaahinta ayaa tibaaxay in Kooxahani ay qoorsheenayeen in ay u gudbaan Buuraha Galgala si ay u qal qal geliyaan Ammaanka Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.
Buuraleyda Galgala ee deegaanada Maamulka Puntland ayaa waxaa ku sugan Kooxo ka tirsan Al Shabaab oo weeraro ku soo qaada deegaanada Maamulkaasi Puntland.
Comments
comments