Magaalada Gaalkaco oo laga bilaabay hawlgallo ballaaran oo ammaanka lagu sugayo
Howl galladaan ay Maanta ka sameeyeen Ciidamada Ammaanka Puntland Xaafadaha Magaalada Gaalkacyo ayaa waxa ay ku soo qabteen dad badan oo lala xiriirinayo falalka Ammaan darrida ah ee Magaaladaasi ka dhaca.
Guddoomiye Ku xigeenka Gobolka Mudug ee Maamulka Puntland oo ka warbixiyay Howl gallada ay ka billaabeen Magaalada Gaalkacyo ayaa Carabka ku adkeeyay in ay ku baacsanayaan dagaalyahannada Ururka Al Shabaab.
Sidoo kale Howl gallo la mid ah Kuwa Maanta laga sameeyay Magaalada Gaalkacyo ayaa iyana waxa ay ka bilowdeen Magaalada Boosaaso , kuwaasi oo iyana ka dhan ah dadka ka tahriibta ah ee ka dhoofa magaaladaasi.
Gaalkacyo ayaa waxaa maalmahaanba ka socday kulamo looga hadlayo ammaanka oo uu la yeelanayay bulshada wasiirka amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan.
Comments
comments