Magaalada Baydhabo oo xalay dagaal culusi uu ka dhacay
Magaalda Baydhabo ee gobolka Bay ayaa dadweynuhu xalay saqdii dhexe ay ku soo tooseen hugunka rasaasta, kadib markii weerar gaadmo ah ay kooxo Alshabaab ka tirsani ku qaadeen fariisimo ay joogeen ciidamada dawlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.
Wararku waxay intaas ku darayaan in dhaawacyo farabadan oo dagaalada wax ku gaareen loo qaaday Isbitaalka gobolka ee magaalada Baydhabo, iyadoo qaarkoodna lagu daawaynayo isbitaalka AMISOM ay ku leedahay gudaha Ayraboorka magaalada.
Dadka Baydhabo ku nool ayaa ka dayrinaya xaalada ammaan ee magaaladaas oo tan iyo markii bishii hore ay magaaladaas ka baxeen ciidamadii Itoobiya sii xumaaday.
Kooxda Alshabaab ayaa laba jibbaartay weerarada ay ku qaadayso Baydhabo intii ay baxeen Itoobiyaanku, iyagoo bisha Ramadan dardar galiyay xasilooni darrada ay ka wadaan qaybo kamid ah dalka.
Comments
comments