Magaalada Balad-Weyne oo Caawa Cidla ah birina laga yaabo in Ciidamada Dowlada ay soo galaan.
Bartamaha(Balad-Weyne):-Magaalada Balad-Weyne ayaa Caawa waxa ay tahay mid ka madax banaan Maamulada Siyaasada isku haya ee Soomaaliya.
Wararka Caawa soo gaaray www.Bartamaha.Com ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Xizbul Islaam ay Magaalada iskaga bexeen iyadoo Ciidamada Dowladana ay joogaan duleedka Magaalada.
Jawiga Balad-Weyne ayaa ah mid dagan iyadoo rasaas meel fog ka dhacayso laga maqlayo gudaha Balad-Weyne sida ay sheegayaan dadka gudaha Magaalada ku hoyanya.
Ciidamada Xizbul Islaam ayaa saaka illaa galabta waxa ay ka daadgureysanayeen Magaalada Ciidamada yar ee ka haray iyagoo inta badan Jihooyinka bariga,Woqooyiga iyo Koonfunta uga baxay Magaalada taasi oo mujinaysa in ay doonayaan dagaal wadoyinka ay Ciidanka Dowlada kula galaan.
Saraakiisha Dowlada ayaa Saxaafada u sheegay in ay ku soo wajahanyihiin Magalada halka qaar kale ay sheegteen in ay Magaalada gacanta k hayaan.
Berito yaa Xukunka Balad-Weyne Majaraha u qaban doona???!!!.
Â
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia
Comments
comments