Calendar

Magaalada Addisababa oo uu ka furmayo shir looga wadahadlayo khilaafka ka taagan Jubbooyinka

Axmed-Madoobe1Shir looga hadlayo khilaafaadka ka taagnaa waayadan dambe gobollada Jubbooyinka ayaa waxuu ka furmayaa magaalada Addisababa ee dalka Itoobiya.

Waxaana magaaladaas oo ay horay ugu sugnaayeen wafdi ka socda dawlada oo uu hogaaminayo Wasiiru dowlaha Madaxtooyada ee dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya Faarax C/qaadir iyo madaxweyne ku xigeenka Jubbaland C/laahi Sheekh Cumaaciil Fartaag gaaray madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe).

Waxaana lagu wadaa in labada dhinac ay barri kulamo toos ah oo dawlada Itoobiya ay dhexdhexaadinayso inay yeeshaan.

Shirka ka furmaya magaalada Addisababa ayaa waxaa soo qabanqaabiyay dawlada Itoobiya ay doonaysa inay isu soo dhawayso dawlada dhexe iyo maamul goboleedka Jubbaland oo tan iyo markii la dhisay aan aqoonsi ka helin dawlada federaalka ah.

Waxaana khilaafka u dhexeeya dawlada iyo Jubbaland uu sidoo kale saamayn ku yeeshay xiriirka ka dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya, iyadoo dawlada Kenya ay si buuxda u taageertay dhisamaha maamulka Jubbaland.

 

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: