Madhab baa mise waa dheel in uu caalamku dhamaan doono sanadka 2012……???!!!
Bartamaha (Nairobi):- Maalmihii ugu dambeeyay ayay inta badan saxaafada caalamka hadal heysay sheekooyin la xariira in uu caalamku dhamaan doono 21/12/2012.
Taliskob raacsan wakaalada saadaalinta hawada ee mareykanka ee Naza ayaa shaaca kaqaaday in uu soo bixi doono meere la eg kan qoraxda laguna magacaabo (Nibiru).
Sida ay sheegtay wakaladaasi ayaa ah in uu yahay meerahaasi mid aanan muuqan ,lehna awood soo jiidasho weyn oo la eg tan qoraxda ay leedahay .
Nibiru ayaa khatar weyn ku noqon doona hadii uu usoo dhawaado dhulka.
Diraasado qaar ayaa sheegeen in Nibiru uu soo agmari doono meel u dhaw meeraha dhulka waliba masaafo ay dadka ku nool bariga qaarada aasiya ay sifiican u arki karayaan.
Xooga soo jiidasho oo uu wato Nibiru ayaa sababi doona ayay leeyihiin in uu dhulku miizaankiisa waaye , sidoo kalena wuxuu sababi doono dhulgariiro , iyo fatahaado aad u waaweyn .taasoo sabab u noqon doona in 70% dadka caalamka ku nool ay dhimandoonaan .
Warkani oo inta badan warfaafintu caalamka ay faafiyeen ayaa waxaa beeniyay culumada wakaalada saadaalinta hawada ee mareykanka (Nasa), hadaba su’aalo ay weydiiyeen warfaafinta qaarkeed laguna faafiyay webka ay leedahay wakaladaasi ayaa waxaa kamid ah :-
Majiraan wax khatar ah oo handadi karaya meeraha dhulka , sanadka 2012 , sida ay sheegeen qaar katirsan warfaafinta caalamka ?
Majiro wax dhib ah oo ku imaanaya caalamka sanadkaasi . meeraheenuna si caadi ah ayuu howshiisa u wataa , khubaro lagu kalsoonyahay ayaa sheegay in aysan jirin wax cabsi ukeeni karaya caalamka sanadka 2012.
Majiraa meere lagu magacaabo Nibiru ama eris oo u soo dhawaanaya kan dhulka Qatar glinkarana nolasha dhulka ?
Nibiru iyo sheekooyi laxariira wax asaas oo ay leeyihiin majiraan . oo waa waxyaabo lagu siraayo shucuubta caalamka , hadawso wax kajiro waxaa ogaan lahaa culumada saadaalisa hawada .
Lkn eris waa meera jira , una eg Buluutuga . masaafada u dhexeysa isaga iyo dhulkuna waa 4 milyaar oo meyl .
Sidee ey u dareemi karayaan culumada Nasa sheegashooyinka ah in uu caalamku dhamaan doono ?
Majiro wax xaqiiqo cilmiyeysan amaba wax cad oo la taban karo oo laxariira sheekadan , kuligoodna waa dhalanteed .
lkn waxey sheegtay wakaalada saadaalinta hawada ee mareykanka in uu maalinkaasi dhici doono duufaan qoraxeed taasoo dhulka soo gaari doonta mudan dhan 7 daqiiqo , hadaba dufaantaasi ayaa sababeysa in ay istaagaan dhamaan waxyaaba electaroniga ah sida internetka , mobilka , satelite ka , asaacada ha , gawaarida iyo iwm .
Sikastaba ha ahaatee sheekadani laxariirta in uu caalamku dhamaan doono sanadka 20120 waxaa ay mid katirsan filim soo saarayaasha oo lagu magacaabo Roland Emmerich ayaa kasameeyay flim waxaana ka ahaa actor John Cuwaz ,armela peet iyo Dani glofar.
Hadaba shirkadani soo saartay filimkani ayaa qaaday olole ay ku suuq geyneyso flim kani waliba iyagoo ku adkeysanaya in ay tahay
sheekadani mid dhab ah waa sida ay sheegtay majalada Sayidaty .
Waxyaaba kale ee layaabka leh ayaa ah in web side yo loo diyaariyay , sida ay dadka u shegeen in qof kasta uu xisaab ku sameysan karo webkaas kana mid noqon doona dadka fara ku tiriska ee kabadbaadi doona mashaqadaasi.
Sidoo kale waxa kahadlay arintani culumada diinteena islamka hadab daaciga weyn sheikh Max’ed almaajid oo oo ka hadlaya arintani ayaa yiri “ majiraan wax laxariira in uu caalamku dhamaan doono sanadka 2012 , lkn waxaa jira oo nu wada ognahay in ay jiran calaamadaha waaweyn iyo kuwa yaryarba ee saacada qiyaame .
Dhamaan waxyaabahaasina wax asaas ah ama loo soo daliilsankaro oo laxariira diinteena majiraan .cilmigana ilaaheey ayaa inooga aqoon badan “.
Hadaba ra’yigaa muxuu yahay aqristahena sharafta mudanoow …….??????
Waa qalinkii Maaido Cali Cabdi Yuusuf
Comments
comments