Madfac qasaara sababay oo ku soo dhacay Suuqa Weyn Ee Bakaaraha.
Bartamaha (Muqdisho):-Madfac dhimasho iyo dhaawac sababay ayaa goordhaweyd ku soo dhacay suuqa ganacsiga Bakaaraha Ee Muqdisho halkaasi oo howlhisiisa ganacsiga maanta uu caadi ahaa.
Madfaca ayaan la ogayn halka uu ka soo dhacay iyadoo uu ku dhacay qeybta khudaarta Suuq Weyn Ee Bakaaraha halkaasi oo goobtaasi ay ka dhacday dhimasho iyo dhaawac dad rayid ah soo gaartay.
Illaa 5-ruux ayaa la ogaaday in ay goobtaasi ku dhinteen halka 8-kale dhaawac ahaan loogu qaaday goobaha Caafimaadka Magaalada Muqdisho waxaana la arkayay gawaarida gurmadka oo sii galaya qeybta khudaarta suuqa Bakaaraha.
Lama oga cidda sida rasmiga ah madfacaasi u soo riday wallow xiliyada ay dagaalada jiraan Bakaaro uu saaxiib la noqday duqeynta aan loom eel dayin taasi oo badanaa ka soo dhacda dhanka Ciidamada Dowlada iyo Amisom.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments