Madaxweynihii hore Puntland oo soo garay Magaalada Boosaaso
Bartamaha(Boosaaso):-Madaxweynihii hore Ee Puntlandi ayaa ku soo laabtay Magaalada Boosaaso oo uu in mudda ah ka maqnaa iyagoo si weyn Boosaaso loogu soo dhaweeyay.
Maxamuud Muuse Xirsi “Cadde Muuse†ayaa galabta soo gaaray Magaalada Boosaaso iyadoo ay soo dhaweeyeen dadweyne aad u fara badan iyo Wasiiro ka tirsan Maamulka Puntlandi.
Cadde Muuse ayaa gaaray Boosaaso isagoo booqasho ku tagay xarumo badan oo la dhamaystiray dhismahooda sida Air-Portka Bandar Qaasim ee Magaalada Boosaaso halkaai oo ay ka soo dagtay diyuuradii sidday.
Imaanshaha Masuulkaais ayaa noqonaysa markii ugu horeysay tan iyo markii uu ka dagay Xilka Madaxweyne nimada xiligaasi oo uu socdaalo uhu baxay wadamada Caalamka oo uu deegaano ku leeyahay.
Cadde Muuse ayaa u hanbalyeeyay Shacabka Reer Puntland iyo shaqada ay wadaan ee Xagga Ammaanka iyo dhismaha deegaanada Dowlada Goboleedka Puntlandi oo haatan isbadal badan laga dareemayo.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments