Calendar

Madaxweyne Xassan Sheekh oo si diirran loogu soo dhaweeyay Addisababa

From Jabuti to Itoobiya (101)Madaxweyne Xasan Sheekh Maxmuud oo ay wehliyaan Xubno ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Xalay si weyn loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Adisa Ababa ee Wadanka Itoobiya kadib markii Casuumaad rasmi ah uu ka helay Ra’iisul Wasaaraha Dalka Itoobiya.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya oo Xubnaha wehliya ay kamid yihiin Wasiiro iyo Xildhibaano ayaa lagu wadaa in maanata y ka qeyb galaan Xaflad weyn ka dhaceysa Madaxtooyada Itoobiya kaasoo loogu dabaal dagayo Sanad guuradii ka soo wareegatay Dhimashadii Milli Zanaabi.

Madaxweynaha Soomaaliya kulan gaar ah ayuu xalay la qaatay Ra’iisul wasaaraha Wadanka Itoobiya oo ku aadan arrimaha Soomaaliya iyo taageerida Dowladda Federaalka Soomaliya ay siineyso Dowladda Itoobiya waxaa Madaxweynaha iyo labada dhinac kulan albaada u xirnaa waxaa ka soo baxay qodob  muhiim ah oo ku aadan taageerida Dowladda Soomaaliya iyadoo xusid ay mudan tahay Wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo ka madaxbaan Wafdiga Madaxweynaha ay ku suganyihiin Magalada Adis Ababa kuwaas oo wada hadal gaar ah u jooga iyaguna halkaasi.

Waxaana sidoo kale Addisababa gaaray madax ka socota aduunka oo ka qaybgalaya xuska loo samaynayo sannadguuradii koowaad ee kasoo wareegatay geeridii ku timid Ra’iisul wasaarihii hore ee Itoobiya oo ahaa hogaamiye horumar gaarsiiyay dalkiisa sida ay aaminsanyihiin Itoobiyaanku.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: