Calendar

Madaxweyne xasan sheikh oo saxafiyiinta ugu baaqay in ay soo gudbiyaan caqabadaha soo wajaho

adaxweynaha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Shalay ka qeyb galay kulan uu soo qaban qaabiyay afhayeen Madaxweynaha Eng Yariisow kaasi oo ahaa kulan wadi tashi ah waxaan kasoo qeyb galay Agaasimayaasha iyo Wariyaasha ka howlgala warbaahinta madaxa banaan ee ka jirta magaalada muqdisho.

Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta,Boostada,Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/laahi Ciilmooge Xirsi oo ka qeyb galay kulanka ayaa ugu horeyn Khudbad uu ka jeediyey kulanka waxa uu ka warbixiyey marxaladda ay ku shaqeeyaan Saxafiyiinta ka howlgasha gudaha Dalka ayadoo sidoo kalena uu Wasiirku madasha ka sheegay faa’iidada uu xeerka saxaafadda u leeyahay Saxafiyiinta Soomaaliyeed iyo sida uu xuquuqdooda u difaacayo.

Madaxweyanaha oo kulankaasi ka jeediyay khudbad aad u qiiro badneyn ayaa waxa uu ugu baaqay saxafiyiinta Soomaaliyeed inay soo gudbiyaan caqabadaha soo wajaha iyo dhibaatooyinka sida gaar ah u heesta saxafiyiinta soomaaliyeed.

Dhank kale Madaxweynaha ayaa sheegay inay jiraan qorshayaal lagu xaqiijinayo amaanka wariyaasha waxa uuna yiri “Waxaa socda qorshayaal ammniga lagu xaqiijinayo, wariyayaasha waxay ka mid yihiin dadka sida gaarka ah ammaankooda looga walaacsan yahay, Insha Allaah Dowladdu ammaanka waa xaqiijin doontaan saxaafaduna haka qeyb galeen” ayuu hadalkiisa kusoo gebagebeeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: