Calendar

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray dalka Jabuuti .

soonoqodBartamaha (Muqdisho):- Wafdi uu hogaaminayay madaxweynaha Dowlada Soomaaliya ayaa galabta gaaray Magaalada Djabuti halkaasi oo si diiran loogu soo dhaweeyay.

Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi wasiira ah oo uu hogaaminayay ayaa maanta gaaray Dalka Jabuuti ka gadaal markii duhurnimadii maanta ay ka duuleen magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa waxaa socodkiisa ku wehliyay Ra’iisulwasaare ku xigeen ahna Wasiirka Kaluumeysiga Prof.C/raxmaan Ibbi,Ra’iisul wasaare xigeen ahna Wasiirka Maaliyada Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo madax kale.

Madxweynaha iyo wafdigiisa ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Djabuti halkaasi oo maanta ay u boqooleen iyadoo la sheegay in casuumaad ay u fidisay dowlada Jabuuti.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: