Madaxweyne Siilaanyo oo Safar aan la filanayn kusoo gaaray Laasqoray
Laasqoray_ Madaxweynaha maamulka Soomaliland Axmed Maxamuud Siilaanyo ayaa waaberigii saaka soo gaaray degmada Laasqoray ee gobalka Sanaag.
Safarka Siilaanyo oo aan sidhaba looga warqabin waxa uu salka ku hayo ayaa wararka aan helayno waxa ay sheegayan in ujeedada uu u yimid Laasqoray ay qayb katahay booqashoyin uu beryihii dame ku marayay deeganada Somaliland.
Dad goob joogayala ayaa noo sheegay in madaxweynaha iyo wafdiga la socda ay degmada kusoo dhoweeyen masuliyin degmada ugu magacaban maamulkiisa.
Axmed Siilaanyo ayaa la sheegay inuu dhagax dhigay goobo caafimada oo degmada laga hirgelin doono, waxaana uu kormeeray dekeada qabyada ee Laasqoray.
Wararka ayaa sheegaya in dadka taagersan maamulkisa ee kusugan Laasqoray ay maanta degmadasi ugu samayn doono qado sharaf lagusoo dhowaynayo, waxaana ay wararku intaasi ku darayaan inuu usii gudbi doono degmada Ceelayo oo qiyaastii 45 Km. ujirta Bosaso.
Dhinaca kale warar oo aanu helayno ayaa ku waramaya in ciidamo farabadan oo katirsan Puntland ay ka ambabaxeen magaaloyinka Bosaso iyo Baran kuwaasi oo kusii jeeda Laasqoray, si ay uga hortagaan safarka uu Siilaanyo kujoogo deegankasi.
Maamulka Puntland ayaa weli sirasmiya uga hadlin safarka uu madaxweynaha Soomaliland kusoo gaaray degmada Laasqoray, oo Puntland kamid ah.
Safarka uu madaxweyne Siilaanyo kusoo gaaray Laasqoray, ayaa la sheegay inuu ahaa mid aan lafilanayn.
Wixii kusoo kordha dib ayaan idinkagasoo gudbin.
Comments
comments