Calendar

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo Muqisho ku soo laabtay.

shariifkaBARTAMAHA (Muqdisho) Waxaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho madaxweynaha  dowladda KMG ah ee Somalia Shariif Sh.Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo kadib markii ay safar ku tageen Magaal;ada Nairobi.

Amaanka garoonka Aadan Cadde oo madaxweynaha uu ka soo dagay ayaa waxaa sugayay ciidamada AMISOM  ee Muqdisha jooga, waxaana gabi ahaanba la hakiyay dhaq-dhaqaaqa gaadiidka ee wadada Maka Al-mukarama.

Madaxweynaha waxaa safarkiisa ku wehliyay R/wasaare ku xigeenka labaad ahna wasiirka Maaliyada shariif xasan Sheekh Aadan iyo xubna kale.

Madaxweyne Shariif ayaa kulama kula soo qaatay dalka Kenya madax katirsan Midowga Yurub iyo Q.M isagoo kala hadlay inay taageero siiyaan dowladiisa oo hadda ku jirta xaalad dagaal.

Wafdiga madaxweynaha ee maanta ku soo laabtay magaalada Muqdisho ayaanan ka warbixin socdaalkooda hase yeeshee waxaa la filayaa in madaxweynaha uu qabta shir jaraa’id uu kaga warbixinaya safarkiisa iyo waxa uu kala soo kulmay.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: