Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo maanta shaaciyay in dowladiisa ay ka bad’baaday Afganbigii Mucaardka la damacsanaayeen.
Bartamaha(Muqdisho):-Madaxweynaha Dowla Fd Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa shaaca ka qaaday in dowladiisa ay iska caabisay kooxaha Mucaaradka oo uu sheegay in ay afganbi damacsanaayeen.
Madaxweynaha oo maanta khudbad u jeedinayay Mudanayaasha Baarlamanka soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in ay jireen qorshayaal ay ku taamayeen Islaamiyiinta Mucaaradka balse ay dhamaan ku fashilmeen.
Shariif Sheekh Axmed ayaa ku faanay in Ciidamada Dowlada ay si xoogani u difaaceen dowladiisa isagoo tilmaamay in ay ku soo duuleen Kooxo ajaanib jihad raadis ah.
Madaxweynaha ayaa Baarlamanka u sheegay in dalka uu ammaan noqon doono dhawaan loona baahanyahay in ay halkoodii ka soo wataan shirarka iyo kulamadooda caadiga ah .
Hadalkan xiligii uu dhameeyay ka dib islamar’ahaantaana ay dhaqaaqayeen Kolanyadii galbinaysay ayaa waxaa halkaasi ku bilowday duqeymo ay geysanayeen Xoogaga Mucaaradka taasi oo mugdi badan galinaysa sida Xildhibaanada ay ugu dhiiran karaan ka qeyb-galka kulamada Baarlamanka.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments