Calendar

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo la kulmay Madaxweyne Mwai Kibaki (Sawiro).

labada madaxweyne
Bartamaha(Nairobi):-
Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya ayaa waxa uu la kulmay dhigiisa dalka Kenya yadoo manta uu kulamo la yeelanayo masuuliyiin doiwlado kale.

Madaxweyne Dowlada KMG ah Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynaha Dalka Kenya Mwai Kibaki  ayaa yeeshay kulan muddo saacad ah socayay oo ay arimo badan uga wada hadleen.

Labada Madaxweyne ayaa waxa ay ka wada hadleen arimo dhowr ah oo siytaasada Soomaaliya ay ugu horayso iyadoo ay isla soo qaadeen xiriirka labada Dowladood.

Madaxweyne Shariif ayaa Dowlada Kenya u sheegay xaalada xiligan uu marayo dalka soomaaliya iyo diyaar garowga Dowlada ay ugu jirto dagaal ka dhan ah Kooxaha qaska ka wada Dalka.

Wasiirka Arimaha Dibada Dowlada Soomaaliya Cali Jaamac Jangali ayaa warfidiyeenada u sheegay in labada madaxweyne ay isla meel dhigeen taageero iyo wada shaqeyn buuxda oo ay yeeshaan.

Madaxweyne Shariif ayaa waxaa saacadaha soo aadan la filayaa in uu la kulmo wasiirka arimaha dibada wadanka Talyaaniga Franco Fratini kaasi oo Nairobi gaaray.

madaxweynaha iyo

masda

madax3

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Photos, Wararka Maanta.
« »

Comment: