Madaxweyne Shariif oo Xalay ku hoyday Dhufays Ciidan.
Bartamaha(Muqdisho):-Madaxweynaha Dowlada KMG ah Ee Soomaaliya ayaa Xalay la seexday Ciidanka ku sugan aagaga hore Ee Dagaalka.
Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo shalay xertay dareeska Ciidanka ayaa la sheegay in uu gaaray inta badan aagaga dagaalada ee Magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha oo ay wada socdeen Sraakiisha ammaanka,Wasiirada qaabilsan dhanka Amniga iyo Hogaamiya Kooxeedyadii dalka xilli ka jiray ayaa waxa ay Xalay ku sugnaayeen aagaga dagaalka Woqooyiga Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa la xaqiijiyay in uu xernaa dareeska Ciidanka isagoo watay qiri nuuca AK-47-ah  isagoo ka mid noqday askarta difaacaysa aagaga dagaalka.
Madaxweynaha waxa uu kormeer ku maray Degmooyinka Hodon iyo Howl-wadaag Ciidamada ku sugan isagoo markii danbe gaaray Woqooyiga Muqdisho oo xalay uu Ciidanka kula xusay munaasabada 1-July.
Xafiiska www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments