Madaxweyne Shariif oo xalay ka dagay Doxa iyo kulamo hordhac ah uu la yeeshay Madaxda Wadankaasi.
Bartamaha (Doha)Â Madaxweynaha Dowlada Fd Soomaaliya ayaa Xalay gaaray Magaalada Dooxa Ee Dalka Qadar halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen madax sare oo ka tirsan Dowlada Qatar.
Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxa ay ka dageen Garoonka Doxa fiidnimadii hore Ee Xalay iyadoo loo dhaadhiciyay qasriga Al Wajbah Palace oo ay daganyihiin madaxda Dalkaasi.
Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa kulan qaabilaad kooban ah kula qaatay qasriga Al Wajbah  Amiirka Dalka Qadar Sheekh Hamad bin Khalifa al-Thani iyo Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi ahna wasiirka arimaha dibada Sheekh Hamad bin Jassim bin Jabor al-Thani iyo madax kale kuwaasi oo si diiran u soo dhaweeyay Madaxweynaha.
Wafdiga Madaxweynaha ayaa maanta la filayaa in si toos ah ay kulamo ula yeeshaan Madaxda Wadankaasi Qadar oo martiqaad buuxa u fidisay Madaxweyne Shariif iyadoo laga rajjo qabo in ay ka wada arinsadaan arimaha dalka soomaaliya iyo xiriirka labada dowladood.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia
Comments
comments