read more »">
Calendar

Madaxweyne Shariif oo xafiikiisa maanta ku qaabilay wakiilo ka socday hey’adda UNHCR

2Muqdisho (www.Bartamaha.com):-Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday hey’adda Qaxootiga u qaabilsan QM ee UNHCR oo maanta muqdisho booqasho ku yimid.

Kulan madaxweynaha uu la qaatay wakiilada ka socda UNHCR ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin abaaraha sidda loo caawin karo dadka ku waxyeeloobay.

Wafdiga laanta Qoxootiga QM ee UNHCR waxa hogaaminaayay wakiilka u qaabilsan Geeska Africa oo ah halka sidda ba’an ay u waxyeelaysay abaarta ka taagan Soomaaliya.

Intii uu kulanka socday ayaa madaxweynaha waxa uu mahad celiyay wafdiga iyo sidda ay uga go’an tahay in la xiriiriyo.

Kulanka oo ahaa mid albaabadda uu xiran yahay ayaa waxa markii dambe saxaafadda la hadlay ra’iisal wasaare ku xigeen ahna wasiirka arimaha dibadda xukuumada KMG ah ee Soomaaliya Maxamed Maxamuud Xaaji Ibraahim oo ka warbixiyay kulanka uu maanta madaxweynaha la qaatay wafdiga ka socday hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan qaxootiga.

Waxa uu sheegay in kulanka si wanaagsan uu ku soo dhamaaday,

Wakiiladda ka socday UNHCR ayaa waxa ay booqdeen dhoor xeryo oo ay ku jireen barakacayaal oo ku yaala magaaladda muqdisho. markii dambena waxa ay ka dhoofeen garoonka diyaaradaha iyagoo aaday halka ay ka yimaadeen.

 

Abaaraha Geeska Africa ayaa soomaaliya waxa ay ka dhigtay dalka ugu daran in ka badan 12-Million oo qof ayaa la sheegay ay qaraka u saaran yihiin in ay gaajo u dhintaan sidda ay sheegtay QM.

W/D:Xafiiska wararka Muqdisho bartmaha.com

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: