Calendar

Madaxweyne Shariif oo wada abaabulka Howlgal lagu wiiqo awooda Islaamiyiinta Alshabaab.

Madaxweyne SHARIFBartamaha(Muqdisho):-Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya ayaa wada abaabulka howlgal ka dhan ah Islaamiyiinta gaar ahaan Kooxda Alshabaab oo caqabad ku ah Dowlada KMG ah.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha Dowlada KMG ah Ee Soomaaliya ayaa waxa uu wadaa abaabulka howlgal isla socda oo lagu wiiqo awooda sii koraysa ee Kooxda Alshabaab.

Madaxweynaha ayaa waxa uu sadexdii cisho ee ugu danbaysay waxa uu kulamo la yeeshay Saraakiisha Ammaanka,Odayaasha reer Muqdisho,Culimada Ahlu sunnah iyo Khubaro kale oo horay u soo shaqeeyay.

Kulamada oo si xiriir ah u socanayay ayaa waxaa looga hadlayay sidii ammaanka wax looga badali lahaa oo dalka looga tir tiri lahaa Islaamiyiinta gaar ahaan Kooxda Alshabaab oo awood ahaan sii qarinaysa Kooxdii Xizbul Islaam.

War sir ah oo www.Bartamaha.Com soo gaaray ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu codsay in qaab beeleed loola dagaalamo Kooxda Alshabaab iyadoo loo xilsaarayo Ciidan waliba deegaanka ay asal ahaan daganayeen.

Madaxweynaha ayaa waxa uu si gaar ah Hishiis hoose oo aan la shaacin la galay Saraakiil sar sare oo Ahlu sunnah ka socotay kuwaasi oo uu kula kulmay Madaxtooyada Villa Somalia.

Ragga uu Madaxweynaha la kulmay ayaa waxaa ka mid ah Maxamed Cumar Xabeeb “Maxamed Dheere” iyadoo la sheegay in loo ogolaaday in uu qabsado Gobolka Sh.Dhexe oo markii hore uu asal ahaan haysan jiray.

Madaxweynaha ayaa la sheegayaa in uu sidoo kale Maxamed Dheere u ogolaaday in loo hubeeyo Maleeshiyo uu horey u lahaa iyo kuwa ku heeb ah Madaxweynaha si ay ulka wareegaan Deeganada Woqooyiga Muqdisho oo ah halkii ay ka soo tabar beeshay Dowlada KMG ah.

Wararka ka soo ba xaya kulamada xiriirka ah ee ka dhacaya Madaxtooyada ayaa waxa ay yihiin kuwa isa soo taraya iyadoo la sheegay in madaxweynaha uu u yeeray Xildhibaano iyo Saraakiil dagaalo ka galay Gobolada Bay,Bakool iyo Gedo wallow aan illaa haatan warkaasi aan laga xaqiijin kooxda loo yeeray sida Xildhibaanada iyo saraakiisha ku sugan Doolow.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: