Calendar

Madaxweyne Shariif oo Muqdisho gaaray iyo Madaafiic lala beegsaday.

shariifkaBartamaha(Muqdisho):-Wafdi uu horkacayo Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa saaka gaaray Magaalada Muqdisho halkaasi oo xasarad ay weli ka oogantahay.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa waxa ay ka dageen garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho iyadoo Islaamiyiinta ay la beegsadeen Villa Somalia madaafiic xoogan.

Madaxweynaha ayaa waxaa la socanayay Wasiirada Amniga,Boostada,Iskaashiga Caalamiga ah iyo Arimaha Dibada oo dhammaan kala qeybgalay kulankii Wadamada IGAD.

Hoobiyayaasha lala beegsaday Villa Somalia ee lagu soo beegayay soo galitaanka Madaxweynaha ee xaruntaasi ayaa dhaliyay qasaara gaaray Askarta Dowlada wallow ay kabadbaadeen madaxdii Dowlada.

Inta badan waxaa caada noqotay Hoobiyayaasha lagu sagootiyo madaxda islamarkaana lagu soo dhaweeyo marka ay dalka yimaadaan wallow ay inta badan ka badbaadaan madaxda oo gawaari qafilan lagu soo qaado.

Madaxweynaha ayaa la filayaa in uu faahfaahin ka bixiyo kulamadii uu uga soo qeybgalay magaalada Addis Ababa ee Dalkaasi Ethiopia oo wadamada IGAD ay ka soo saareen go’aano taageera siinaya Dowlada.

Xafiiska www.Bartamaha.Com

Nairobi –Kenya.

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: