Madaxweyne Shariif oo Maanta Xil u magacaabay Sargaal ka mid ahaa Ahlu sunnah Wal Jamaaca(Sawiro).
Bartamaha(Muqdisho):-Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta xil u magacaabay sargaal ka mid ah Ahlu sunnah Wal Jamaaca xilli khilaaf muuqda uu ka dhex dilaacay Ahlu sunnah dhexdeeda.
Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo maanta la shiray Saraakiil dhanka ammaanka ah oo Dowladiisa ka mid ah ayaa waxa uu ku dhawaaqay Taliye Xigeenka Ciidamada Qalabka sida Dowlada Soomaaliya.
Madaxweynaha waxa uu u magacaabay Taliye Xigeenka Ciidamada Militariga Dowlada Sargaal lagu magacaabo G/sare C/kariim Yuusuf Aadan oo la sheegay in uu ka socdo Kooxda Ahlu sunnah.
Madaxweynaha waxaa hareerihiisa fadhiyay sarakiil ka mid ah Dowlada sida Yuusuf Indha Cadde oo ah Wasiir Dowlaha Gaashaandhiga Dowlada iyo Taliyayaal kale oo ka mida laamaha ammaanka Militariga.
Madaxweynaha ayaa sheegay in uu kala tashaday magacaabista Sargaalkaasi Wasiiru Dowlaha gaashaandhiga Yuusuf Indha Cadde isagoo sheegay in uu ka mid yahay magacaabidan fulinta heshiiskii Addis Ababa ay ku gaareen Ahlu sunnah Iyo Dowlada.
Madaxweynaha waxa uu xusay in looga baahanyahay Saraakiisha Militariga in ay xilkooda gutaan oo ay dalka sida uu maanta yahay ka badalaan maadaama dhibaatada ay sii badanayso.
Taliyaha Cusub ayaa balan qaaday in uu xilkiisa gudan doono isagoo ku baaqay in Saraakiisha ammaanka ay garab istaagaan sida wax looga badali lahaa wax ka qabashada ammaanka guud ee Dalka.
AHlu sunnah ayaa lagu xasuustaa in ay ka saartay Gobolada dhexe Alshabaab wallow dhawaanahan ay sii daciifayeen awood ahaan markii heshiiskii Addis Abbaba lagu kala qeybsamay.
Shalay ayay ahayd markii Gudoomiyaha Ahlu sunnah oo ku dhawaaqayay in heshiiskii Addis Abababa uu ahaa khiyaano loo sameeyay Ahlu sunnah oo ay haatan isaga bexeen Heshiiskaasi.
Lama garanayo sida ay ahlu sunnah ugu qancayaan xilkan cusub oo maanta loo magacaabay nin ka dhexmuuqan jiray oo ay soo xusheen saraakiil kale oo ka mida ahlu sunnah.
Daawo Sawirada:-
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments