Calendar

Madaxweyne Shariif oo maanta u duulay Magaalada Sirta Dalka Liibiya.

shariifBartamaha(Muqdisho):-Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya iyo Wafdi uu hogaaminayay ayaa maanta u dhoofay Magaalada Sirta Dalka Liibiya halkaasi oo uu ka furmayo Kulanka Madaxda Jaamacada Carabta.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa waxaa maanta ay ka dhaqaaqeen Magaalada Muqdisho iyagoo u duulay Dalka Liibiya Magaalada nasashada ee Sirta oo birito uu ka furmayo kulanka guud madaxda Jaamacada Carabta.

Madaxweynaha ayaa waxaa socdaalkiisa Liibiya ku wehliya qaar ka mida Golaha Wasdiirada Dowlada Soomaaliya oo Muqdisho ka raacay waxaana horay u jiray Wasiirka Arimaha Dibada Jangali oo ka qeybgalaya kulanka Wasiirada Arimaha Dibada.

Kulanka Wadamada Jaamacada Carabta oo berita ka furmaya Magaalada Sirta waxaa lagu wadaa in Madaxweynaha uu hadal ka jeediyo maalmaha uu kulanka socanayo isagoo diyaarsaday khudbadii kulankaasi uu ka jeedin lahaa oo arinta soomaaliya uu kaga hadlayo.

Madaxda Carabta ayaa dhankooda ka doodaya arimaha soomaaliya ,Sudan iyo Filistiin oo ah wadamada dhibaatada ugu badan ay ka taagantahay Wadamada Carabta dhexdooda.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: