Madaxweyne Shariif oo lagula taliyay in uu yareeyo Xiriirka kala dhexeeya reer Galbeedka.
Bartamaha (Muqdisho):- Sida lagu soo daabacay Wargayska Al-sharqal Awsat qoraal sir ah oo laga helay xafiiska Madaxweynaha waxaa lagu xusay in madaxweyne Shariif lagula taliyay yaraynta xiriirka kala dhexeeya wadamada rteer Galbeedka.
Qoraal sir ah oo lagu soo daabacay Wargayska afka Carabiga ku soo baxa Ee Al-sharqal Awsat ayaa lagu muujiyay in madaxweynaha uu helay talo ku aadan in uu yareeyo xiriirka kala dhexeeya reer galbeedka.
Madaxweyne Shariif ayaa taladan ka helay Culumo uu kula shiray Villa Somalia kuwaasi oo uy soo gudbiyay talo ka hadlaysay siyaasadiisa Mustaqbalka taasi oo ay sal uga dhigeen joojinta ku tiirsanaanta reer Galbeedka.
Wadadaada talada siinayay madaxweynaha ayaa waxaa la sheegay in ay ka dalbadeen Xiriir wanaagsan oo uu la yeesho Dowlado ay magacyadooda u sheegeen sida qoraalkan lagu daabacay.
Madaxweynaha ayaa lagula taliyay wanaajinta xiriir toos ah uu la sameeyo Dowlaha Carabta iyo kuwa Islaamka oo si gaar ah loogu sheegay Masar,Saudi Arabia,Sudan iyo Qdar oo inta badan ah dowlado isku siyaasad dhow.
Culimo la kulantay madaxweynaha ayaa la sheegay in ay ka dalbadeen cadaynta siyaasadiisa ku wajahan Puntland iyo Somaliland oo noqday laba deegaan oo si gaar ah isku maamula.
Dhanka kale qoraalka waxaa lagu sheegay in madaxweynaha loo jeediyay in aanu ka quusan xiriir uu la yesho Islaamiyiinta Mucaaradka si uu wada hadal toos ah ula yeelan lahaana aanu ka quusan.
Taladan ayaanan la ogayn Culimada nsiisay madaxweynaha waxaana la hadal haayaa in Culimadan ay doonayaan in uu shariif noqdo ninkii xilli ka mid ahaa Kooxaha hadda diidan xukunkiisa sida talada ka muuqanaysa.
Isku soo duub talada Culimada ay siiyeen Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha Soomaaliya ayaa noqonaysa haddii uu qaato mid dhaawacaysa siyaasadiisa guud eek ala dhaxaysa Wadamada reer Galbeedka.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.
Kala xiriir:-
.
.
Comments
comments