read more »">
Calendar

Madaxweyne Shariif oo la shiray dhigiisa Jabuuti.

President-sharifBartamaha  (Djabuti):- Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa la shiray dhigiisa dalka Jabuuti isagoo saacadaha soo aadan ku wajahan dalka Kenya.

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed iyo Madxweyne Ismaaciil Cumar Geele ayaa xalay yeeshay kulan saacada socday oo ay uga wada hadleen arimaha dalka Soomaaliya iyo is casilaadii Ra’iisul Wasaare Sharma’arke.

Labada Madaxweyne ayaa waxa ay ka wada hadleen arimaha soomaaliya iyo isbadalada ku yimid dowlada ka dib markii muddo sanad iyo bar ka hor ah lagu dhisay dalka Jabuuti wallow Xaalada badan ay Dowladaasi soo martay.

Shariif  iyo Geele ayaa waxa ay labada shirkooda uga wada tashadeen arimaha dalka soomaaliya waxaana madaxweyne Geele uu shariif u gudbiyay talo ku aadan magacaabida Ra’iisul Wasaaraha Cusub.

Kulanka Labada Madaxweyne ayaa waxa uu qeyb ka ahaa talooyin uu dhagaysanayo madaxweynaha Soomaaliya oo socdaal dheer ku soo kala bixiyay qaadaraha Ameerika,Yurub iyo wadamo ka mida Afrika oo hadda uu marayo.

Saacadaha soo socda ayaa lagu wada in madaxweyne Shariif uu soo gaaro magaalada Nairobi Ee Dalka Kenya isagoo la kulmaya madaxda dalka kenya si uu ugala tashado magacaabida masuulka noqonaya Ra’iisul Wasaaraha iyo arimo kale oo muhiim u ah Dowladiisa.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.

[email protected].


Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: