Madaxweyne Shariif oo la kulmay dhigiisa Wadanka Sudan.
Bartamaha (Khartuum):- Madaxweynaha Dowlada KMG ah ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Dalka Suudan oo casuumaad ugu fidiyay Magaalada Khartuum.
Madaxweynaha Dowlada KMG ah ee Soomaaliya  Shariif Sheekh Axmed ayaa kulan saacada qaatay xalay la yeeshay dhigiisa wadanka Sudan Madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir.
Madaxweyne Shariif oo shalay ka dhoofay Magaalada Muqdisho ayaa xalay casha sharaf la wadaagay Madaxweynaha Suudana oo casuumaad ugu fidiyay magaalada Khartuum.
Madaxweyne Shariif iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa waxa ay ka dageen Magaalada Khartuum shalay gabal dhicii waxaana ku soo dhaweeyay garoonka Madax ka tirsan Dowlada Suudaan.
Shariif iyo Al-Bashiir ayaa afurka ka dib yeeshay kulan saacada badan qaatay kaasi oo ka dhacay xarun ta Madaxtooyada Suudaan Ee Magaalada Khartuum.
Madaxweyne Shariif ayaa kala hadlay dhigiisa Sudan Md.Al-Bashiir sidii uu u taageeri lahaa dowladda Soomaaliyeed oo dagaal ba’an kula jirta kooxaha Islaamiyiinta Mucaaradka.
Kulanka markii uu dhamaaday ka dib afhayeen u hadlay madaxweyne Sudan ayaa sheegay in labada masuul ay isku afgarteen iskaashi labada Dowladood ah iyo sidoo loo caawin lahaa Dowlada Soomaalia.
Kulankan ayaa yimid markii Casuumaad loo fidiyay madaxweynaha Dowlada Soomaaliya oo ay saaxiiba dhow yihiin Al-Bashiirka Suudaan xukuma kaasi oo ay horay isugu arkeen kualnkii ka dhacayay Kampala.
Socdaalka Shariif ayaa imaanaya ka dib markii 4-Cisho ka hor uu gaaray Muqdisho isagoo socdaal ku joogay Magaalada Nairobi waxaana safarkan uu noqonayaa midkii 4-aad oo uu laba bil gudaheed uga baxo dalka Madaxweynaha ugu safarka badan ee soomaray Soomaaliya.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.
Comments
comments