Calendar

Madaxweyne Shariif oo kulan la qaatay wafdi ka socday Dalka Kenya .

Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia kulan kula qaatay Wafdi uu hogaaminayey wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Dalka Kenya .

Wafdigaan u kulanka laaqaatay Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya oo uu hogaaminayey wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Dalka Kenya Richard Onyango ayaa saaka barqadii ka soo dagay Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyey.

Kulanka ay wada qaateen Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Richard Onyango ku xigeenka wasiirka arrimaha dibadda Dalka Kenya ayaa waxay uga wada hadleen sidii Dowladda Kenya ay safaaradeedii dib uga furan lahayd Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya.

Kulanka Markii uu soo dhamaaday ayaa saxaafadda wuxuu u sheegay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Dalka Kenya Mr. Richard Onyango in mardhow ay soo magacaabi doonaan safiirka cusub ee Kenya u fariisan doona Magaalada Muqdisho.

Maalintii shalay ayey ahayd markii Madaweynaha dowladda KMG Soomaaliya uu waraaqihii aqoonsiga Safiirnimo ka guddoomay Safiirka Falastiin u soo magacaabatay Soomaaliya.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: