Madaxweyne Shariif oo ku Mashquulsan xalinta Khilaaf u dhexeeya Saraakiisha Dowlada KMG ah
Muqdisho — Madaxweynaha Dowladda Federaalka KMG Somaliya shariif Sheekh Axmed ayaa ku mashquulsan xalinta khilaaf aad u xoogan oo u dhexeeya maamulka Gobalka Banaadir iyo saraakiil katirsan Dowladda Federaalka KMG ah oo maalmihii lasoo dhaafay dacwadi uga socotay madaxtooyada.
Ila wareedyo lagu kalsoonyahay oo aan ka helnay Villa Somaliya ayaa xaqiijinaya in madaxweynaha ay ku cuslaatay xal uu ka gaaro xalinta khilaaf u dhexeeya maamulka Gobalka Banaadir iyo Wasaaradda arrimaha gudaha oo isku dhinac ah iyo Yuusuf Indha Cadde iyo Xildhibaano ay isku hayb yihiin.
Madaxweyne Shariif oo Muddo Isbuuc ku dhaw Muqdisho ku sugan kadib markii uu kasoo laabtay shirkii jaamacadda Carabta ee Libiya ka dhacay ayaa gacanta ka taagay xalinta khilaafka u dhexeeya saraakiisha Dowlada KMG ah waxaana arrinta soo fara geliyay taliska AMISOM.
Khilaafka ugu daran ayaa ka taagan dilkii loo gaystay gudoomiyihii degmada X/Jajab Axmed Sheekh Qoorleex oo Indha Cadde iyo xildhibaano beeshiisa ah ku Eedaynayaan maamulka Gobalka Banaadir gaar ahaan ciidanka gudoomiyaha gobalka.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ku jiha wareeray sida laga yeelayo ciidan lagu dilay dagaalkii ka dhacay Afisyooni waxaan la sheegay in beelihii ay ka dhasheen Askarta ladilay ay codsadeen lacago diya ah oo aad u badan.
Odayaal Beeleedyo looga yeeray Villa Somaliya ayaa iyana ku guul daraystay in ay khilaafka xal ka gaaraan, madaxweynaha oo ay saaxiiba gaara ahaayeen Indha Cadde iyo C/qaadir Cali Cumar ayaa caqabado dhaqaale raadis ah kala kulmaya Beelaha ay ka dhasheen Askarta ladilay.
Khilaafka ugu daran wuxuu ka taaganyahay dilkii qorleex inkastoo Al Shabaab sheegatay dilka Mas’uuliyadda Qoorleex hadane shaki badan ayaa ka taagan arrinkaas, Ergayga Q.Midoobe uqaabilsan Somalia Ahmedu Ouldu Cabdalla ayaa lafilayaa in uu xamar soo gaaro si uu u xaliyo khilaafka jira.
Madaxweynaha waxaa weli sugaya xalinta khilaafka u dhexeeya Gudoomiyaha Baarlamanka iyo Sheekh Aadan madoobe oo cirka iskusii shareeraya, arrimahan oo idil waxay dib u dhigayaan dagaalkii ay Dowlada KMG ah u qaadi lahayd Islaamiyiinta.
Comments
comments