Madaxweyne Shariif oo Khudbada Jimcaha uga hadlay fasaadka iyo dagaalada
Bartamaha (Muqdisho):- Madaxweynaha Dowlada KMG ah ayaa maanta Khudbad u jeediyay Bulshada Soomaaliy3eed isaga oo toos Khudbad uga akhriyay Saladii Jimcaha masjid madaxtooyada ku yaala.
Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed waxa uu Masjidka hadal ugu jeediyay Wasiiro,Xildhibaano iyo saraakiil salaada ku soo dukata Masjidkaasi waxaana uu hadalkaasi ka baxayay Idaacada afka dowlada ku hadasha taasi oo ay dadka qaar ka dhagaysanayeen hadalka Madaxweynaha uu ka jeediynayay Villa Somalia masjidka dowlada ku dukato.
Madaxweyne Shariif waxa uu Khudbada Jimcaha diirada ku saaray dagaalada xilli walba dalka ka dhacaya kuwa siyaasadaysan diintana loo sariyay iyo kuwa ah qabiilka ee dalka qeybo ka mida ka dhacaya oo uu sheegay in ay tahay dhibaata balaaran oo bulshada haysata oo aan lagu eegan karin dhibkaasi.
Madaxweynaha waxa Aayado iyo Axaadiis u soo qaatay dagaalada xiligan socanaya waxaana uu dhammaan ugu baaqay cid walba oo qori sida in ay Alle uga baqdo xabada ka baxaysa afka qori walba.
Madaxweynaha waxa uu sheegay in caruurta la fasahaadiyay oo laga dhigay shabaab hub sita islamarkaana la baray habka daadinta Dhiiga Muslimiinta taasi oo uu ku sifeeyay wax aan la qaadan karin.
Madaxweynaha waxa uu dhalinyarada ugu baaqay in ay Hubka iska dhigaan oo ay diinta soo bartaan maadaama fasaadka jira looga faa’iidaystay in lagu baro dhiiga daadintiisa.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Afrika.
Comments
comments