Madaxweyne Shariif oo ka warbixiyay safarkiisii soona dhaweeyay Heshiiska ay gaareen Ahlusuna Waljamaaca iyo dowlada KMG.
Bartamaha (Mogadishu):- Kadib Shir Jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho ayuu madaxweyne shariif ku sheegay in uu ku faraxsanyahay Midnimada dhaxmartay Ahlusuna iyo dowlada KMG Somalia.
Mar uu Madaxeyne Shariif Sh.Axmed ka hadlayay Heshiiskii ay Shalay Magaalada Addis-ababa kusoo kala saxiixdeen Dowladda Soomaaliya iyo Culumaa’udiinka Ahlu-Sunna waljamaaca ayuu tilmaamay in Heshiiskaasi ahaa guul balaaran oo u soo hoyatay Ummadda Soomaaliyeed, islamarkasna loo bahan yahay in ay Shacbigu helaan Dowlad u adeegeysa Bulshada oo hanata Ammaanka, soona celisa Nidaamka iyo kala dambeynta Soomaaliya.
Isgaoo saxaafadda lahadlayay ayuu soo hadal qaaday qodobada ay
kula Heshiiyeen Ahlusuna oo uu sheegan in dhamaantood ay yihiin kuwa wax kataraya amaanka iyo arrimaha dowladnimada sida uu hadalka u dhigay.
“waxaad arkaysaa in ay is fahmeen dowlada iyo qaar katirsan kooxihii Somaalnimada doonayay, waxaa naga go’an in aan Heshiis lagaarno cid walba oo leh ajanda siyaasadeedâ€ayuu yiri Madaxwayne Shariif.
Madaxweynaha ayaa soo hadal qaaday dagaaladii khasaaraha badan dhaliyay ee dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho isagoona mas’uuliyadda dagaaladaasi dusha uga tuuray xoogaga islaamiyiinta ee dowladiisa kasoo horjeedo.
Madaxweyne Sh.Shariif Sh. Axmed ayaa ugu horeyn sheegay in Booqashadii uu ku tagay dalka Britain ay hab wanaagsan u dhacday, islamarkaasna uu kulamo gooni gooni ah la qaatay R/wasaaraha Ingiriiska Goldan Brown iyo Xubno ka tirsan Golaha wasiirada Xukuumaddaasi, isagoo intaasi ku daray in ay masuuliyiintaasi muujiyeen sida ay u taageerayaan Dowladda Federaalka KMG-ka ee Soomaaliya.
Ibraahim Da’ud Abdalle
xafiiska bartamaha ee Nairobi, Kenya
Comments
comments