read more »">
Calendar

Madaxweyne Shariif oo ka qeybgalaya Kulan ka dhacaya Wadanka Imaaraadka Carabta.

sharif-sakin-jangaliBartamaha(Abuu-Bubai):-kulan balaaran oo ay soo agaasimeen Wadamada ku jira Mu’tamarka Islaamka ayaa lagu wadaa in uu ka furmo magaalada Abuu-Bubai ee dalka Imaaraadka.
Madaxweynaha Dowlada KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sh.Axmed ayaa wararka la helaayo waxa ay sheegayaan inuu ka qeybgalayo kulan looga hadlayo arimaha soomaaliya kaasi oo ka dhacaya Magaalada abuu-Dubia.
Kulanka ayaa waxaa lagu wadaa in looga arinsado xaalada dalka soomaaliya iyadoo ay ka soo qeybgalayaan wadamo badan oo Caalamka Islaamka ka mid ah.
Inkastoo ay shirka ka qeybgalayaan Mas’uuliyiin uu ka mid yahay Wakiilka Qaramada Midoobey ee arimaha Soomaaliya Axmed Walad Cabdala,Gudoomiye ku xigeenka Midowga Culimada Islaamka Sheekh Cabdalla Bin Bayya, Madaxweynaha Dowlada KMG Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa haddana si rasmi ah aan loo shaacin in lagu marti qaaday kulankaasi horjoogayaasha ururada ka ka horjeeda Dowlada ee dalka intiisa badan ku sugan.

Kulankan ayaa imaanaya xilli Kooxaha Soomaaliya isaga soo horjeeda ay wadaan goodon dagaal oo koox waliba ay iclaaminayso dagaal ka dhan ah kooxda kale si ay dalka uga saarto.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: