Madaxweyne Shariif oo ka qeybgalay furitaanka Shirka Siin-Saad (Daawo Sawirada).
Bartamaha (N’djamena):- Madaxweynaha Dowlada KMG ah ayaa ka qeybgalay shirka Madaxda wadamada Siin-Saad oo ka dhacaya Magaalada N’djamena Ee Dalka Chad.
Munaasabad xariga looga jarayay shirka Madaxda Wadamada ku Midaysan Siin-Saad ayaa ka dhacay Magaalada N’djamena Ee Dalkaasi Chad.
Madaxweyne Shariif ayaa ka dhex muuqanayay 28-Madax dale e ka qeybgalaysa Kulanka Siin-Saad ay ku yeelanayeen Magaalada N’djamena.
Madaxweynaha waxa uu kulanka markii uu furmay ka dib shirar kala gooni ah la qaadanayay qaar ka mida madaxda ka qeybgalaysa shirka.
Shaiif sheikh Axmed waxa uu la shiray Ra’iisul Wasaaraha Nigeria iyo Wasiirka Arimaha Dibada dalkaasi isagoo ka dalbaday ka caawainta dagaalka caalamiga ah oo ay dowladiisa kula jirto Al-Qaacida.
Daawo Sawirada:-
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.
Comments
comments