Calendar

Madaxweyne Shariif oo Hambalyo iyo Digniin u jeediyay Somaliland.

shariif

Bartamaha(Muqdisho):-Madaxweynaha Dowlada KMG ah Ee Soomaaliya ayaa fariin digniin iyo Hambalyo Xambaarsan u diray shacabka dagan Deegaanada lo bixiyay Somaliland.

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo xalay ka hadlayay munaasabada maalinta Xuriyada Deegaanada Woqooyiga Soomaaliya oo haatan loo yaqaano Somaliland ayaa waxa uu Hambalyo u diray shacabka reer Somaliland.

Madaxweynaha waxa uu sheegay in ay guul balaaran ahayd maalintii Xuriyada Deegaanada Somaliland waxa uuna Hambalyadaasi u jeediyay dhammaan dadka dagan Deegaanada Woqooyiga Somaliya.

Madaxweyne Shariif waxa uu sidoo kale Hambalyadiisa raaciyay Hanjabaad u muuqatay mid uu shacabka Somaliland uga digayo dhibaata haatan laga baqanaayo in ay soo wajahdo.

Madaxweynaha waxa uu sheegay in dhibaata badan ay dhalinkarto doorashada maanta ka bilaabatay deegaanada Somaliland waxa uuna Xusay in qalalaasa dhacaa doorashada ka dib uu sabab ka dhigi karo burbur guud oo ku yimada Somaliland.

“Shacabka reer Somaliland ee walaalaheena ah waxaan uga digayaa dhibaata ay gacantooda ku kasbadaan haddii doorasho dhacaysa waa in ay ahaataa mid Nabadeed waa in ay ka digtoonaadaan qalalaaso ay sameeyaan…..waa laga faa’iidaysan doonaa hadaanay adkaynin ammaankooda Dalkan waxaa u tashaday Al-Qaacida iyo Nabad diid aan doonayn daganaanta dhul ka mida Soomaaliya…”ayuu yiri Madaxweyne Shariif.

Digniinta iyo Hambalyada isla socota ee ka soo yeertay Dowlada Soomaaliya ayaa imaanaysa xilli Magaalooyinka Somalland haatan ay ka bilaabatay doorashada Madaxtinimada Somaliland.

Xafiiska www.Bartamaha.Com

Nairobi –Kenya.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: