Saraakiil garaadda loo kordhiyay.
Bartamaha(Muqdisho):-Madaxweynaha Dowlada KMG ah ayaa maanta Saraakiil Militari ah siiyay Darajooyin kala duwan isagoo ka dalbaday in ay dalka wax ka badalaan.
Madaxweyne Shariif oo maanta la shiray 87-Sargaal oo Militari ah ayaa waxa uu gudoonsiiyay Darajooyin dheeri waxa uuna ka dalbaday in ay dagaal culus ku qaadaan dhulka ay maamulaan Mucaaradka.
Madaxweynaha oo salaan gacan qaad ah la maray dhammaan saraakiisha ayaa waxa uu siiyay mid waliba oo ka mid ahaa Darajooyin kala gooni ah isagoo gacantiisa ku hayay Xidigo uu ka safay saraakiisha.
Raggan ayaa waxa ay ahaayeen kuwa la soo xulay waxaana ay u badnaayeen Ciidankii laga keenay Dalka Jabuuti iyo kuwii Ugandha tababarka ku soo qaatay oo dhawaanahan dagaalka uga jiray dhulka woqooyiga Muqdisho.
Saraakiisha maanta la dalacay ayaa waxa ay qeyb ka yihiin darajooyin horey uu madaxweynaha u siiyay saraakiil badan oo qaarkood maanta dib u helay garaada hor leh.
Inta badan Ciidanka Dowlada ayaa waxa ay yihiin kuwa lagu eedeeyo falal kala duwan oo ay ugu weyntahay dhaca iyo dhibaataynta shacabka waxaana lagu tuhmaa in xiriiro ay la leeyihiin Mucaaradka dowlada taasi oo dhibaatada dhalisa mararka ay dagaalada galaan askarta Dowlada oo dib uga soo baxa aagaga dagaalka.
Xafiiska www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia
Comments
comments