Calendar

Madaxweyne Shariif oo gaaray Magaalada Tripoli Ee Dalka Liibiya.

Belgium Somalia ConferenceBartamaha(Tripoli):-Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayay ayaa xalay gaaray Magaalada Tripoli Ee Dalka Liibiya.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa la sheegay in laga casuumay Xarunta Madaxtooyada Liibiya halkaasi oo la filayo in ay kulamo ku yeeshaan labada madaxweyne Liibiya iyo Soomaaliya.

Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha Dowlada KMG ah ayaa waxa u dhawaanahan ku sugnaa magaalooyinka Soomaalida ee dalka Maraykanka wallow xiligan aan la ogayn in uu kulan la yeelanayo Jaaliyada Soomaalida dalka Liibiya.

Madaxweynaha ayaa xilli waliba oo dalka Liibiya garo waxaa rajjo xoogan Maxaabiista ay ka qabaan in uu ka qeybqaato sidii loo sii dayn lahaa.

Kulanka labada Madaxweyne ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu ka dhaco Magaalada Tripoli halkaasi oo ay wafdiga Madaxweyne shariif ka dageen xarunta Madaxtooyada.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: