read more »">
Calendar

Madaxweyne Shariif oo dusha ka saaray Mucaaradka masuuliyada dhibaatada ka taagan Muqdisho.

madxweynahaBartamaha(Dubai):-Madaxweynaha Somalia Shariif Sheekh Axmed oo wareysi siinayay Telefishinka Al-Carabiyah ee xaruntiisu tahay Imaaraadka Carabta ayaa dusha ka saaray dhibaatada ka taagan Muqdisho kooxaha Mucaaradka.
Madaxweyne Shariif wuxuu sheegay in AlShabaab ay mas’uul ka tahay dhibka shacabka ka gaara dagaallada ka dhaca Muqdisho, wuxuuna si gaar ah u tilmaamay in kooxahaas ay xiriir la leedahay Ururka Al-Qaacida.
Madaxweyne shariif wuxuu sidoo kale ka hadlay mowqifka xukuumadiisa ee ku aaddan dagaalka ay la galayso kooxaha kasoo horjeeda, isagoo sheegay in dagaalkaas ay galayaan ayna guulo ka gaari doonaan.
Madaxweynaha waxa uu balan qaaday in dagaalada ay dowladiisa qorsheysan aanay dhibaata ka soo gaari doonin dadka shacabka ah maadaama ay ciidama yihiin kuwo isku taagay xureynta dalka.
Madaxweynaha Shariif wuxuu si weyn isaga fogeeyay in ay Dowladiisa dalbatay taageero Militari uu maraykanka siinayo balse waxa uu cadeeyay in soomaaliya ay joogaaan Al-Qaacida qof kastana uu beegsan karo.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: