Madaxweyne Shariif oo doonaya joojinta Doofaanta siyaasadeed eek u kacday Sheekh Aadan Madoobe.
Bartamaha(Muqdisho):-Wararka aynu ka helayno Villa Somalia ayaa xaqiijinaya in Madaxweyne Shariif uu u istaagay daminta Xiisada culus iyo khilaafka ka dhextaagan Baarlamanka.
Saacadihii la soo dhaafay waxaa Madaxtooyada Soomaaliya ka socanayay kulamo balaaran oo ay yeelanayaan Madaxda sare ee Dowlada iyo qaar ka mida Mudanayaasha Baarlamanka ee ugu cadcad siyaasada lagu diidanyahay Sheekh Aadan Madoobe.
Madaxweynaha ayaa u yeeray Xildhibaano ay hor boodayaan Muuse Suusi,Salaad Cali Jeele,Maxamed Qanyare,Xildhibaan Jiis iyo rag kale oo dhammaan ku kacsan Sheekh Aadan Madoobe.
Madaxweynaha ayaa xildhibaanadaasi ka dalbadsay in ay qabuujiyaan xaalada isagoo uga digay in ay horsed u noqdaan burburka Dowlada Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa waxaa la sheegay ion isaga xittaa uu masuuliyada kacdoonka uu wax ka lahaa balse haatan ay siyaasada la sii xumaatay markii mudanayaasha ay circa galiyeen khilaafka.
Xildhibaanada ayaa waxa ay ku baaqeen in la doorto gudoomiye cusub iyagoo sheegay in Aadan Madoobe uu waqtigiisa dhamaystay taasina ay qasab ka dhigtay in dowlada ay halis gasho.
Kulanka Xalay dhacay ayaa waxaa qeyb weyn ka qaadanayay saraakiil ka tirsan Maraykanka,Midowga Yurub,Jabuuti iyo Dowlado kale oo dhammaan la soo xiriirayay madaxda sare si xaalada loo dajiyo.
Waxaa maanta la baajiyay kulanka Baarlamanka kaasi oo haddii uu dhici lahaa sabab uu ka dhigi karay in Xildhibaanada ay isgaraacaan islamarkaana dhibaato badan ay sababto maadaama lagu kala feker duwanyahay xil ka qaadista Gudoomiyaha Baarlamanka.
Weli waxaa socanaya kulamada kala goonida ah oo lagu doonayo in lagu kala furo xildhibaanada faraha badan ee doonaya in xilka laga tuuro sheikh Aadan madoobe taasina ay sabab ka dhigi karto burbur guud oo Dowlada ku yimaada.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments