Calendar

Madaxweyne Shariif oo dhawaan kala diraya Golaha Wasiirada Xukumada Sharma’arke (Xog rasmi ah).

madaxtoyadaBartamaha(Muqdisho):-Madaxweynaha Dowlada KMG ah ayaa la filayaa in uu kala diro Golaha Wasiirada Xukumada KMG ah xilli xal loo la’yahay khilaafka dhanka Baarlamanka ah.

Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya ayaa saacadihii ugu dambeeyay kulamo kala gooni ah la yeelanayay Golaha Wasiirada iyo Xildhibaano Baarlamanka ka mid ah si uu kala tashado mustaqbalka Dowlada.

Madaxweynaha ayaa ka fakaraya qaabkii uu ku badbaadin lahaa jiritaanka Dowlada maadaama khilaaf uu hareeyay Baarlamanka iyo Ahlu sunnah oo xilal ka sugaysa Dowlada.

Saraakiil ku dhowdhow Madaxweynaha ayaa www.Bartamaha.Com si hoose ugu sheegay in dhawaan madaxweynaha uu kala dirayo Xukumada.

Madaxweynaha ayaa guud ahaan kala diraya Dowlada isagoo dib u magacaabaya ra’iisul wasaare sharmara’arke balse Wasiiro haatan muuqda ay meesha ka baxayaan.

Sargaalka oo magaciisa qariyay ayaa sheegay in todobaadka soo socda madaxweynaha uu kala dirayo Xukumada si meesha loo soo galiyo Ahlu sunnah Wal Jamaaca.

Waxaa lagu wadaa in booska jagooyinkooda ay waayaan Wasiiraka haatan haya xilalka ka aha Kaluumaysiga,Maaliyada,Boostada iyo Isgaarsiinta iyo Tababarida maeeshiyaadka.

Madaxweynaha waxa uu wada tashi la leeyahay ragga ugu dhow xagga shaqada oo uu ka qaadanayo talo guud si uu isbadal ugu sameeyo shaqada Dowladiisa.

Dowlada KMG ah ayaa waxaa soo wajahay caqabado kala duwan waxaana haatan ku kacsan xildhibaano doonaya in xilka laga tuuro Sheekh Aadan Madoobe iyadoo dhanka kalana ay Ahlu sunnah ka war sugayaan Dowlada qaabka ay ugu qanciso maadaama ay jagooyin ka doonayaan.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: