Madaxweyne Shariif oo dhawaan Booqanaya Dalka Britain.
Bartamaha(Muqdisho):-Warar xog-ogaal ah oo aynu ka helnay Xafiiska Madaxtooyada ayaa waxa ay sheegayaan in labada maalin ee na soo aadan Madaxweynaha uu u kici timayo Dalka Britain.
Madaxaweyne Shariif Sheekh Axmed oo dhawaanahan yareeyay socdaaladiisa waxaa xiligan laga casuubay Magaalada London ee Dalka Britain.
Madaxweynaha ayaa waxa uu isku diyaarinayaan Socdaal u qorsheysnaa in 8-Bishan Marso uu ku gaaro Magaalada London halkaasi oo ay ka casuuntay Wasaarada Arimaha Dibada Britain.
Dhaqdhaqaaqa qorshaha socdaalka Madaxweynaha ayaa waxaa laga dareemayaa Madaxtooyada Soomaaliya waxaana lagu wadaa in labada cisho ee na soo aadan uu dhaqaaqo madaxweynaha.
Socdaalka Madaxweynaha Dowlada KMG ah uu ku tagayo Dalka Ingiriiska ayaa waxa uu ku soo aadayaa xilli xeebaha soomaaliya lagu haysto Lamaane u dhashay wadanka Britain kuwaasi oo aanay dowlada awood u lahayn in ay sii daayaan.
Socdaalka Madaxweynaha ayaa waxa uu noqday dhawaanahan mid sii yaraanayay wallow sanadii la soo dhaafay uu Madaxweynaha noqday mid aan salka dhulka dhigin oo socodkiisa Caalamka uu aad u badnaa.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments